Urur-goboleedka IGAD oo markii u horeysay ka hadlay Mawqifka ay ka aamisan yihiin Wada-hadallada Somaliland iyo Somaliya

0

Hargeysa (SLpost)- Urur-goboleedka IGAD, ayaa markii u horeysay ka hadlay mawqifkooda ku aaddan wada-hadallada ay dawladda Turkigu dhex-dhexaadinayso ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee IGAD ugu xil-saaran arrimaha Soomaalida, Danjire Maxamed Cabdi Afey oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa socdaal shaqo ku joogaan dalka, ayaa sheegay in mawqifkooda la xidhiidha wada-hadallada u dhexeeya labada waddan la mid yahay mawqifka beesha caalamka ka qabto, isla markaana ay taageersan yihiin in wax kasta lagu dhammeystiro wada-hadal.

IgaddDanjire Afey iyo xubnaha ku wehelinaya weftigiisa oo shalay ka qayb-galay qado-sharaf wasiirka arrimaha dibadda u sameeyey, ayaa mar wax laga weydiiyey mawqifkooda la xidhiidha wada-hadallada, waxa uu ku jawaabay, โ€œWax walba oo wada-hadal loo galo waanu soo dhawaynaynaa, wada-hadalka hadda lagu jiro waa wax aanu dhiiri-gelino, arrimaha oo kalena waa arrimo talo ahaan aanu kala simannahay caalamka. wax walba in wada-hadal lagu galo waa shayga kaliya ee muhiimaddu ay tahay,โ€ ayuu yidhi Dajire Afey.

Waxa kale oo uu ka hadlay qadiyadda madax-bannaanida Somaliland iyo qaabka uu urur-goboleedka IGAD ugu gudbin doono war-bixinta ay weftigiisu ka diyaariyaan socdaalkooda Somaliland, waxa uu kaga dhawaajiyey muhiimadda ay leedahay in la tixgeliyo rabitaanka dadka iyo horumarinkooda. โ€œWixii ay shacabkani samaysteen, waxa muhiim ah in la gudbiyo oo la sheego oo la ogaado waxa ay yihiin,โ€ ayuu yidhi Danjire Maxamed Cabdi Afey.

Maxamed Cabdi Afey iyo weftiga IGAD ee uu gadh-wadeenka u yahay, ayaa Axaddii todobaadkan safarkooda shaqo ku soo gaadhay Somaliland, waxaanay kulamo la qaateen Madaxda laamaha dawladda oo isugu jira Wasiirro xukuumadda ka tirsan iyo shir-guddoonnada labada Aqal Baaralmaan.

Hoggaamiyaha weftiga IGAD oo ka hadlay ujeeddada socdaalkooda Somaliland, waxa uu sheegay inay Masuuliyiinta Dawlada kala hadli doonaan doorashooyinka la filayo sannadka 2015-ka inay dalka ka qabsoomaan.

SOMALILANDPOST.NET