Hargeysa(SLpost)-Ciidda Carafo oo ku began maalinta berri ah ayaa si weyn looga dareemayaa suuqyada caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Dad aad u tiro badan ayaa ka dukaamaysanaya badiba meelaha lagu iibiyo dharka caruurta iyo dadka waaweynba, kuwaas oo aad wajiyadooda ka arkayso farxadda ciidda iyo yididiiladeeda.
Walaw ay dadka badankoodu sooman yihiin maalinta sagaaloodka haddana dadku waxa ay u dhooban yihiin sidii ay maalmihii hore ahaayeen si aad uga badan. Bacadlayaasha ayaa ah meelaha sida xoogan loogu xoonsan yahay ee kala iibsiga dharka iyo kabuhu ka socdo, Alaabaha caruurta loogu qurxiyo, sharabaadada, garamaanta yar yar iyo qalabka ay ku ciyaaraan ayaad arkaysaa iyaga oo lagu iibinayo kaaryoonayaal dumar iyo dhalinyari iibinayaan.
Dhalinyarada ragga ah ayaa ciiddan aad u iibsanaya macawista,ย khamiiska (Shulugga), goโa shaalka ah iyo kabaha sandalka ah oo ay badiyaaba ciidaha ku ciiddaan, waxa aad ka dareemi kartaa marka loo soo dareero salaadda ciidda.
Ciidamada amaanka ayaa xoog uga shaqaynaya amniga iyo xasiloonida shicibka adeeganaya iyo muwaadiniinta laga adeeganayaba. Gawaadhida booliska iyo askarta ayaad ku arkaysaa afaafyada laga galo bacadlayaasha iyo suuqyada kaleba. Taliyayaasha Booliska oo uu hogaaminayo Sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa kormeer ku soo mara sida ay boolisku shaqadooda u gudanayaan. Dadweynaha ayaa iyaguna si fiican oo shucuur leh u soo dhaweeyay sida waddaniyaddu ku dheehan tahay ee ay ciidamada amaanku u ilaalinayaan, iyaga oo aan ka baqayn tuugta oo suuqyada aad looga baqi jiray.
Wadooyinka bacadlayaasha hor mara wakhtigan way ku adag tahay in ay baabuurtu u maraan si waafi ah, dadka ayaa si saaโid ah u maraya, liidadka labada haad u dhexeeyana waxa ku ganacsanaya ganacsadayaal yar yar oo iibinaya qalabka caruurtu ku ciyaaraan iyo kuwa lagu qurxiyo.
Sayladda xoolaha ayaa iyaduna aad iyo aad u saxmad badan, maadaama Ciidda carafo ay tahay ciiddii gawraca, Waxa ay indhahaagu qabanayaan muwaadiniinta oo aad ugu xoonsan kala iibsiga adhiga udxada.