๐ธ๐๐ ๐๐๐๐ 25๐๐๐ ๐๐ ๐ฟ๐๐๐๐๐ ๐ช๐๐๐๐๐๐๐ ๐ด๐๐๐๐๐๐๐๐๐ waxa uu si qoto dheer u qeexayaa xukunka dilka ee ciidamada qalabka sida, isagoo muujinaya sida ay ciidamada ugu dheggan yihiin nidaamka, sharciga, iyo anshaxa ciidan. Xukunka dilka waxa uu leeyahay laba nooc oo farriimo sharci, anshaxeed, iyo shucuur leh:
๐ป๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐ณ๐๐๐๐๐: Waxay astaan u tahay ixtiraam iyo fulinta xukun si insaani ah, iyadoo la dhowrayo sharafta qofka la xukumay.
๐ป๐๐๐๐๐๐๐๐
๐ ๐ซ๐๐๐๐๐๐๐: Waxay calaamad u tahay sharaf-dhac, ceebayn, iyo ka saarid sharafta bulshada iyo ciidamada.
Ciidamada qalabka sida waxay ku shaqeeyaan nidaam adag oo ku salaysan anshax, daacadnimo, iyo ilaalinta sumcadda ciidanka. Marka sarkaal ama askari milatari uu si xun ugu xadgudbo xeerarka iyo qiyamka ciidamada, ciqaabta ugu culus ee la marsiin karo waa xukun dil oo ay la socoto darajo ka-qaadis, taas oo lagu fuliyo ๐ก๐๐๐๐๐ โ๐ ๐โ๐๐๐๐๐๐ ๐โ. Tani waa ciqaab aad u adag oo xambaarsan micno shucuur, anshaxeed, iyo sharciyeed oo qoto dheer.
๐๐๐๐ง๐๐ก๐ ๐๐จ๐จ๐ ๐๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐ก๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐ ๐๐ข๐ข๐๐๐ฆ๐๐๐
Toogashada dhabarka ma aha oo kaliya fulinta xukun dil, balse waa calaamad sumcad dhac ah oo loogu talagalay ceebayn bulshada hortooda. Waxaa loo adeegsadaa si loo muujiyo in qofka la xukumay uu lumiyay kalsoonidii ciidanka, sumcaddii darajadiisa, iyo karaamadii uu bulshada ku dhex lahaa.
25๐๐๐
ee xeerka ciqaabta milatariga Somaliland waxa uu toogashada dhabarka u arkaa ciqaabta ugu xun xagga sharafta, taas oo si gaar ah loogu talagalay dembiyada culus sida khiyaano qaran, sir bixinta, iyo ka baxsiga waajibaadka dagaal.
๐๐๐๐๐๐๐ก๐ ๐๐จ๐จ๐ ๐๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐ก๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ ๐ฎ ๐๐๐๐๐ ๐ฌ๐๐๐จ
๐.๐๐ฎ๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐๐ซ๐๐๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฅ๐ฌ๐จ๐จ๐ง๐ข๐๐: Qofka dhabarka laga toogto waxaa loo arkaa mid khiyaamay ciidankiisa, jebiyay ballankii uu qaaday, kana baxay mabaadiโda milatari. Xukunka dhabarka waxa uu muujinayaa in qofkaasi aanu istaahilin in wejigiisa laga hor toogto oo aan loo tixgelin inuu ahaa askari sharaf leh.
๐.๐๐๐ฅ๐๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐๐๐๐ฒ๐ง ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ข๐๐๐ง: Gudaha ciidamada, qofka dhabarka laga toogto waxaa loo arkaa cadow gudaha ah oo sumcad darradiisa la tusayo. Ceebtaasi waxay ka tarjumaysaa dambi culus sida khiyaano qaran, sir bixinta, ama falal kale oo dhaawacaya amniga qaranka.
๐.๐๐ก๐๐ซ๐๐ข๐ฒ๐๐ฒ๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ข๐ง ๐๐ข๐ ๐ง๐ข๐ข๐ง ๐๐ก:Toogashada dhabarka waxa ay ka baxsan tahay ciqaab keliya; waa cashar la barayo ciidamada kale si ay uga digtoonaadaan falalka lagu ciqaabo sharaf-dhaca. Waxay xoojisaa ilaalinta anshaxa ciidan iyo ixtiraamka xeerarka.
๐๐๐ฐ๐๐๐ช๐ข๐๐ญ๐ ๐๐ง๐ฌ๐ก๐๐ฑ๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐๐ ๐๐จ๐จ๐ ๐๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐ก๐๐๐๐ซ๐ค๐
๐. ๐๐๐๐ ๐๐๐โ๐ข๐ฆ ๐๐ก:
Toogashada dhabarka ma aha oo kaliya dil, balse waa sumcad laโaan raacda qofka xitaa ka dib dhimashadiisa. Qoyska iyo ehelka qofka la xukumay waxa la soo derisa ceeb bulsho oo joogto ah, taas oo muujinaysa in falalkiisii la cambaareeyay.
๐.๐๐๐ฌ๐ก๐๐ซ ๐๐ข๐ข๐๐๐ง:
Ciidamada kale ee goobta xukunka joogaa waxay markhaati ka noqdaan cawaaqibka khiyaanada, taas oo dhiirrigelisa ilaalinta shuruucda iyo anshaxa ciidamada.
๐.๐๐๐๐ฆ๐๐ฒ๐ง ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ:
Bulshada dhexdeeda, toogashada dhabarka waxay xoojisaa kalsoonida shacabka ee ciidamada, iyadoo muujinaysa in la ciqaabayo cid kasta oo daciifnimo iyo khiyaano ku kacda.
๐.๐
๐๐ซ๐ซ๐ข๐ข๐ง ๐๐ก๐๐ซ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐ :
Fulinta xukunka noocan ah waxay caddeynaysaa in aanay jirin cid ka sarreysa sharciga, xitaa haddii qofka xukuman yahay sarkaal sare oo ciidan.
Ugu dambayntii Toogashada dhabarka waa ciqaab milatari oo xambaarsan shucuur iyo micno sharaf-dhac ah. Waxa ay leedahay cawaaqib bulsho, sharci, iyo anshaxeed oo dheer. Ciidamada qalabka sida ee Somaliland waxay u adeegsadaan ciqaabtan sidii digniin cad oo muujinaysa in ciidamada looga baahan yahay daacadnimo, xilkasnimo, iyo ilaalinta sharafta ciidan. Xukunka dhabarka waxa uu bulshada iyo ciidamada kale u yahay cashar xusuus leh oo muujinaya muhiimadda ay leedahay anshaxa iyo ilaalinta qaranka.
QALINKA:Gulaid Iidaan