Hargeysa (SLpost)- Maayarada Todoba Magaalo oo ka tirsan Dalka ayaa Maanta Tababar ku saabsan hanaanka shaqo ee ay u hawl galaan Waxaa looga furay Xarunta Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawlada ee Caasimada Hargaysa .
Tababarkan oo Ujeedadiisu Salka ku haysay Sidii Maayarada Cusub ee Magaalooyinka Boorama, Gebilay, Hargaysa, Berbera, Sheekh, Burco iyo Oodweyne isla markaana ku soo baxay doorashadii Golayaasha Deegaanka ee Cusub looย tusi lahaa hanaanka Shaqo ee ay u hawl galaan waxaa fulinaya Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawlada.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland C.samad Cumarย Maal,oo furitaankii tababarkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in Ujeedada kulankani uu la xidhiidho tartansiin lagu samaynayo degmooyinka ka qayb qaadanaya deeqaha ay inoo fidinayaan Wadamada Reer Galbeedku,waxaanu intaas ku daray in lagu kala qiimaynayo degmooyinka sida ay u dabaqaan Mashruuca horumarinta Degmooyinka isla markaana loo kala sad burinayo sida ay u kala waxqabad fiican yihiin.
Agaasimaha Machadka Tababarada Shaqaalaha Dawlada Maxamed Mixile Boqore oo Madashii kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhamaanba tababarada laga bixinayo Mashruuca JPLG uu Machadkaย Tababarka Shaqaalaha Dawladu bixinayo,Waxa uu Agaasimuhu Xusay in Machadkooda oo Kaashanaya Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somalilandย uu qaadi doono Sahan ay ku xidhnaan doonto Mucaawinada Caalamiga ah ee la siin doono Degmooyinka ka faaโiidaysta Mashruucan.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Agaasimaha Horumarinta Gobolada iyo Degmooyinka ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Maxamed Cali Maxamed iyo Sarkaal ka socday hayโadaha deeqahan bixinaya oo lagu magacaabo Aadan Xasan Mataan.
Somalilandpost/Hargeysa