Tirada Fal-dambiyeedyada Sannadkan ka dhacay Somaliland oo la soo bandhigay iyo Kuwa Safka hore kaga jira

0

 

Gaashaanle Dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil Sheekh Xasan

Hargeysa (SLpost)- Ciidanka Booliska Somaliland oo maanta u dabbaal-degay sannad-guurada 27aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay oo ku beegan markii la aasaasay 3-dii November 1993-kii, waxa lagu soo bandhigay fal-dambiyeedyada sannadkan ka dhacay guud ahaan dalka.

Ku-xigeenka hoggaanka hawl-gelinta Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil Sheekh Xasan oo khudbad ka jeediyey munaasibadda xuska ciidanka, ayaa halkaas ka akhriyey fal-dembiyeedyada dalka ka dhacay sannadkan iyo sida ay ciidanka Boolisku ula tacaaleen.

Gaashaanle Dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil Sheekh Xasan waxa uu xusay in ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen eedaysanayaashii ugu badnaa ee loo tirinayey inay ku lug lahaayeen fal-dambiyadaas oo ay kuwooda ugu waaweyn yihiin Dilalka iyo Kufsiga.

Waxa uu sheegay in guud ahaan fal-dambiyeedyada dalka ka dhacay sannadkan gudihiisa ay dhan yihiin 21,335 fal-dambiyeed oo 53 ka mid ahi yihiin Dilal loo geystay 58 marxuum, halka tirada fal-dambiyeedyada Kufsiguna 161 kiis.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo warbixinta fal-dambiyeedyada sannadkan ka dhacay gudaha Somaliland oo dhammeystiran

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net