London (SLpost)- Telefishanka laga leeyahay dalka Iran ee PRESS TV oo ka mid ah telefishannada Wararka iyo barnaamijka ku baahiya Luuqadda English ee loogu daawashada badan tahay Bariga Dhexe marka laga reebo telefishanka Al-Jaziira, ayaa markii u horreysay baahiyey, isla markaana ku soo qaatay barnaamijkiisa AFIRCA TODAY oo ah todobaadle, waxa uu ku soo qaatay Aqoonsiga Somaliland iyo caqabadaha ku gedaaman inay ka mid noqoto Beesha Caalamka.
โLaba magaalo oo ku yaala dalka Ingiriiska, Sheffield iyo Bristol, oo ay ku nool yihiin Boqolaal dadka Somaliland ah, ayaa u codeeyey inay aqoonsadeen Dalka (Somaliland).
Dunida inteeda Kale miyay samayn doonaan sidaas oo kale?โ
Daadiyaha Barnaamijka Africa Today ee Press TV, Henry Bonsu, ayaa jawaabta ku aaddan suโaashaas dhex-dhigay dood dhex-martay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, Agaasimaha Ururka Jaaliyadda Somaliland ee Bariga London Iid Xasan Muuse iyo qoraaga Caanka ah Cabdicasiis Xildhibaan.