18may 2011 ayeyย Somaliland ย labaatan jirsatey inti ay xorriyadeeda dib ula soo noqotey.
Xukumadda kulmiyeโ ee u hoggaminaayo axmad maxamed maxamuud silaanyo, sannadka iyo labada bilood ee ay ย jirteyย waxey qaadey tallaabooyin hor leh[bold moves] sida furista uruurada siyaasadda,badelaada lacgti gimbaarta ee burco[inkasto gobollada sanaag iyo sool ay wali ka socoto lacagti puntland],kordhinta 100% mushaharki shaqalaha iyo skuuladi hoose dhexe oo lacag laโaan laga dhigey.
Xukumadda madaxweyne axmed silaanyo waxey ka koobantahey 23 ย wasaaradood[marki hore labataan ayey ahayeen] iyo hayโado badan oo madaxbannaan ,wasarad iyo hayโad walbana ahamiyadeeda ayey bulshada u ledahey haddi si fican loo qorsheeyo lana fuliyo wajibaad keeda shaqo.iyado Somaliland ay labaatan jirsatey haddana meeshiย la taabtaba wa boog u baahan in la dhayo..Maamuladdi hore ee somaaliland ย waxey waqtigoodi [ sagaal iyo toban sanno]ku qaaten ilaalinta nabadaย iyo adkeyntaย qaranimada Somaliland iyado wali qayb ka mid ah aanu maamulka Somaliland gaadhin oo ay ka taliyaan maamulka puntland sida sannaag bari.buuhoodle iyo qybo gobolka sool sida tukaraq oo lixdan km u jirta laascanood.-dawladda madaxweyhe silaanyana ย looga bahanyahey iney nabadgelyada si xoojiso, maamulkana gaadhsiso qaybaha hadhsan eeโ aanu maamulku gaadhin.-
Haddaba nabadi keligeed ma istaagi karta?ย Jawaabtu wa maya.dadka cilmiga siyaasada ku xeeldheer ,waxey sheegen in nabadu si ay u adkaato in loo bahanyahey horumar dhaqaale,siyaasadeed,bulsheed i.w.m ย somaaliduna hore ayey u tidhi โnabad iyo caanoโ aya lagu waara..
ย ย horumarkaย Waxa laga doona khayraadka dadkaโah[human resourses ]iyo khayraadka dabiciga ah [natural resources].khayraadka dadka ,waxeynu ognahey in sannad walba dhawr kun oo ardey ayย ka qalin jabiyaan jaamicdaha Somaliland iyo afar jibaarkood oo awoodi kari waayey in lacagta jaamicadda iska bixiyaan oo suqa mehanabaya shaqo laโan,qaarna u tahriiba Europe iyo carabata in badanna dhexda ku dhimataย iyagon gaadhin meelahaย [waana ticking time bomb haddi dhalinyarada shaqo loo abuuri waayo, kacdoonka dhalinyarada carabtu[ the arab spring] sallelo noqoneyo].wixi shaqo ee takhasus gaar u bahannaย eeโaan aqoonteedaย wadanka laga heleyn, meelaha ย jaban sida india,china iyo meelo kale aya laga heleya ย .khayraadka dabiciga wa laba qaybood.qayb aynu hore u hubinney sida xoolaha, sibidhka, macdanaha qaalgaโ ah[gem stones]kalluunka,baโyada,beeraha i.w.mย .iyo khayraad aan la hubin sida shidaalka[fuel oil] dahabka,gaasta i.w.m.
Somaalidu waxey ku maah maahda โ tiisaba daryeela tu kale ku daraaโ.haddaba innaga oo aan marnaba diideyn maalgashi shisheeye[foreign investment] waxa oggataan in marka hore loo baahan yahey ineynu ka faโideysano khayraadka E ebe nagu manneystey -.xukumadda madaxweyne silaanyo waxa looga bahanyahey in ay iska illaaliso khaladaadki dawladdi hore ee madaxweyne riyaale ee mashaariic badan intu dhagax dhigey markey waxbaย ka fulinwaydeey sas iyo ammakaag ka qaadey weydiinta saxaafaddu weydineyso halkey ku dambeyeen mashaaricdaasi.
haddaba xukumadda madaxweyne silaanyo waxa looga bahanyaheyk iney magacowdo ย guddi madax bannan oo aqoon sare ย leh oo mashruucย walba ka sameeya daraasad qoto dheer[visibility study] oo u xil saaran ย ย kobcinta wax soo saarka iyo kicinta warshadaha oo ku lifaaqan wasaarada ganacsiga .xukumaddu waxay ย waydisan karta ย khubarada iney nagu caawiyaan dawladdaha aynu saaxibka nahey,sida ingriiska,ama hayadda undp .waxaaney lahaaneyaan guddigaas xoriyad toos u arkaan madaxweynaha waqtikasta[free access to the president] ama wiggi laba jeerย oo gelin dambe ah ayey madaxweynaha la shiri karaan inta arrintu cagaheeda isku taageyso.warshada sibidhka waxa lagu bilaabi kara [phase1] shares muwaadininta laga iibiyo kolbana la ballaadhiyo iyado marwalbana shares la iibinayo .warshadda sibidhka oo la kiciya waxey wax badan ka tareysa shaqa laโanta iyo kobac dhaqaalaha dalka ,waayo lacagta qalaad[hard currency] ee dalka ka baxeysa ee sibidh lagu soo iibsanaayo aya dalka ku hadheysa oo meelo kale loogaga faโideysanaya.
La soco cadadka dambey waxaan ka hadlaya anigo tix raacaya barnaamijka xisbiga kulmiye sida ku haboon ee laga faa โideysan karo kheyraadka xoolaha, kalluunka,biyaha ,macdanaha qaaliga ah[precious stones],bayada,beeraha iyo kaabayaasha dhaqaale ee wadankaย iyo doodo na dhex mareyย madaxweynaha sida u wax uga qabanaayo, ย waqtigiย oloolaha doorashada madaxtooyada ee aan u aha campaign managerka gobooladda galbeed [anigo tix raacaya xasuus qorkeygi campaignka]
Eng Bashe abdi gaboobe
Guddoomihi hore ee Ololaha doorashada
madaxtooyada ee goboladda galbeed