Hargeysa, 12 February 2012 (SLpost)-Taliyihii ciidanka Qaranka Somaliland Maxamed Cabdlilaahi Xasan (Jidhif) oo maalintii Khamiistii ee toddobaadkii hore Madaxweyne Siilaanyo xilka laga qaaday, ayaa maanta xilka ku wareejiyay xaflad albaabadu u xidhnaayeen oo si qarsoodi ah loogu qabtay xarunta taliska ciidanka ee magaalada Hargeysa.
Munaasibada xil wareejinta oo ay ka qaybgaleen saraakiil ciidanka ka tirsan iyo wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami oo xilka u kala wareejinayay labada taliye, iyada oo warbaahinta guud ahaan laga horjoogsaday in ay ka gasho xaydaabka taliska , waxaana ay saraakiisha qaarkood u sheegeen warfidiyeenada in maamulka sare uu bixiyay amarka xaflada qarsoodiga loo dhigay.
Taliyii hore Maxamed Cabdilaahi Xasan (Jidhif), waxa uu xilka ku wareejiyay gaashaanle sare Ismaaciil Shaqale oo hore u ahaan jiray taliyaha ciidanka Qaranka xilligii ay talada haysay xukuumadii Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal. Laakiin lama oga siday xil wareejintu dhacday , iyada oo filayay in taliyihii hore uu ka hadli doono sababta keentay xilka qaadistiisa..
Hase yeeshee waxa aan la ogayn sababta ay xukuumadu qarsoodiga uga dhigtay maamul wareejinta taliska ciidanka, maadaama oo aan hore dawladihii hore ee dalka ka talin jiray looga baran tallaabada noocan ah, balse waxa jiray shaki dhanka amaanka oo ay qabtay xukuumadu, iyada oo Mr Jidhif ay suurtagal ahayd in uu si cadaan ah dhaliliilo tiro badan oo la xidhiidha faragelin lagu sameeyay awooodiisa uu soo bandhigi lahaa.
Dhinaca kale, wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami oo warbaahinta wax ka waydiisay sababta looga horjoogsaday in ay ka qaybgalaan xaflada, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arrintaas, isaga oo aan bixin wax cudur daar ah oo ku saabsan dhacdada.
SOMALILANDPOST NEWS
webmaster@somalilandpost.net