Xaaji-Saalax(SLPOST)- Abaaro Kowdii Habeenimo Ee Xalay Ayaa Tuuladda Laan Mulaaxo Ee Gobolka Oodweyne Lagu Dilay Allah Haw Naxariistii Taliyihii Ciidanka Booliiska Degmadda Xaaji Saalax Marxuun Hure Sahal Isagoo Hawlo Shaqo Wakhtigaasi Uu Joogay Tuuladda Laan Mulaaxo.
Gudoomiyaha Degmadda Xaaji Saalax Khadar Cabdi Oday Oo Aanu La Xidhiidhnay Si Aanu Dilkaasi Foosha Xun Wax Uuga Weydiino Ayaa Hadalkiisa Ku Bilaabay
โWalal Marka Hore waxaan Tacsi U Dirayaa Dhamaanba Ehelkii Asxaabtiiย Iyo Umadda Reer Somaliland Ee Uu Ka Baxay Marxuunkasi Dalka Iyo Dadka U Shaqaynayey, Een Intaa Ka Dib Xalay Kowdii Habeenimo Ayaa Hure Sahal Lagu Dilay Tuuladda Laan Mulaaxo Oo Uu Hawlo U Tagay ShaLay waxaana Sida la sheegayo Taliyaha Loo Dilay Aano Hore oo u dhaxaysay laba beelood oo walaalo ah oo deegaamadan wada Daga kuwaasi oo Dilal Hore Isu Gaystay Markaa Hadda Weli Lama Aasin Waxaan Kaloo Kuu Sheegayaa Weli In Aan La Soo Qaban Gacan Ku Dhiiglayaashii Laakiin Raacdo ay ku Daba Jirto โ