Taliyaha Cusub ee Laanta Socdaalka Somaliland oo Xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Hayโ€™addaas

0

Hargeysa, 09 April, 2012 (SLpost)- Taliyaha Cusub ee Laanta Socdaalka Somaliland Md. Maxamed Cali Yuusuf ayaa maanta xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Laanta Socdaalka Md. Maxamed Cismaan Caalin.

Munaasibadda Xil-wareejinta oo lagu qabtay xarunta Laanta Socdaalka ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb-galay wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Daakhiliga, masuuliyiin ka socotay hayโ€™adaha amaanka iyo shaqaalaha hayโ€™addaas, waxa ugu horeyn halkaa ka hadlay Taliyihii hore ee Laanta Socdaalka Somalilandย  Maxamed Cismaan Caalin, ayaa ka war-bixiyey muddadii uu xilka hayeyย  wax-yaabihii u qabsoomayย  oo uu xusay in dhammaan ay ka shaqaysiiyeren xafiisyadii Laanta socdaal ee Gobolada dalka,ย  Marinadaย  laga soo galo dalkana ay ka sameeyeenย  Xafisyada socdaalkaย  laguna qalabeeyey is-gaadhsinย  casriya,oo lagu hubiyo dadka socotada ah ee dalka soo gelaya.Waxa kale oo uu taliyihii hore uu sheegay, Inย  ay ciidanka laanta socdaalkaย  la siiyey tababarย  iyo dirayskoodiiba.

Taliyaha cusub ee Laanta socdaalka S/Land Maxamed Cali Yuusuf oo isna halkaasi ka hadlay, ayaaย  sheegay in uuย ย  ku dedaali doono in uuย  gaadhsiiyoย  Laantan Socdaalkaย  heer Caalamiya, waxaanuuย  sheegay in taliyihii hore uu soo gaadhsiiyeyย  heer wanaagsan isna uu halkaasi ka sii ambaqaadi doono.

Gebagebadii Xafladaasi xil-wareejintaย  waxa halkaasi ka hadlay wasiir ku xigeenkaย  amniga ee wasaarada arimaha gudaha Mud Cabdillahi Abokor Cismaan, waxaanuu ugu horayn halkaasi uga mahad naqay Taliyihii hore ee Laanta socdaalka, kaasi oo uu sheegay in uu wax badan ka qabtay Laanta socdaalka horumarinteeda. Waxaanuu taliyaha cusub u rajeeyay inuu ilaahay isna xilkaย  loo dhiibay ku asturo.

Munaasibada Xil-wareejinta waxa Goob joogย  la ahaa, Taliyaha Ciidanka Booliska S/Land Cabdillahi Fadal Iimaan,Taliye xigeenka Ciidanka sluubta Xasan Cali dheere,Taliye xigeenka laanta socdaalka Maxamedย  saleebaan xaaji xasan.iyo marti sharaf kale oo ay ka mid yihiin masuuliyiintaย  Hayโ€™adda I.O. M.

SLpost News

Hargeysa, Somaliland