Hargeysa, (SLpost)- Taliyaha Ciimmada Qaranka Somaliland Nuux Ismaciil Taani, ayaa Maxkamadda u gudbiyey dacwad ka dhan ah Xildhibaan Golaha Guurtida ka tirsan, isla markaana waxa uu gaashaanka ku dhuftay jiritaanka eedaymo uu Xildhibaankaas iyo Salaaddiin reer Awdal ah oo ku eedeeyey inuu ku lug-leeyahay dilka ka dhacay deegaanka Saameel.
Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani ooย shir jaraaโid ku qabtay Xafiiskiisa Taliska guud ee Ciidamada waxa uu sheegay inay ehel yihiin isaga dadka lagu dilay deegaanka Saameel ee degmada Baki, isla markaana aanay ka suuroobi karin inuu waxyeelo dadka reer Somaliland ee uu nabadgelyadooda masuulka ka yahay. Waxaanu eedahaas loo jeediyey ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn oo la doonayo in Taliye ahaan lagu magac-dilo.
ย โWaxaan Tacsi u dirayaa qarabadii iyo guud aanba dadka reer Somaliland in illahay samir iyo iimaan ka siiyo geridii foosha xumayd, waxaanay ahayd inta arrintu dhammanayso ee meel ku biyo-shubanayso in la ogaado. Salaaddiin badan iyo niman Xildhabaanno ah ayaa aniga i eedayay maddiiddani haddaan leeyahay eeddaas, laakiin waxa eeddaas igu caddayn kara hayโadaha debbi-baadhista ama markhaatiyaal cad.โ Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Ciidammada Qaranka Somaliland.
Taliye Nuux Taani waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; โIyadao lagu jiro baadhistii ayaa rag badani aniga si toosa ii abbaareen, waxaan Raggaa u sheegayaa dunuubta meel kasta ka dhacdaa waxay ka dhex dhacdaa reero, laakiin, masuuliyiinta reerkaas ka tirsan laguma eedayo, waxa xaggaa kale ka dhacanaย ee xaggaa lagu sameeyey laguma eedayo masuuliyiinta halkan jooga. Markaa, waxaan leeyahay yaan halkeedii la dhaafinnin oo wixii dhaca haddii xadkisii la dhaafiyo dhibaatadeeda ayey leedahay.โ
Taliyuhu waxa uu sheegay inuu Taliye ahaan masuul ka yahay nabadgelyada Qaranka Somaliland, sidaa daraaddeedna aanay suuragal ahayn inuu arrin reereed oo dadkii uu nabaddooda ka masuulka ahaaya ku soo noqdo oo isagu dhibaateeyo, Taliye Nuux oo taa ka hadlayana waxa uu yidhi; ย โAniga oo Taliye Ciidan ahย waxa si toos ah ii abbaaray Salaaddiin marka hore waa inay ogadaan inaan ahay Taliye Ciidan oo nabadgelyada waddanka Xisaab-sanahay aniga oo nabadgelyadii waddanka Xisaabsan meel yar kumaย soo noqdeen, qofkii Caqli lihi wuu garanayaa. Laakiin, waxaan u arkayaa magac-dilid inay ka shaqaynayaan kuwa igu eedaynaya aniga dilka Saameel.โ
Mar uu Taliyaha Millateriga Somaliland ka hadlayey Xildhibaannada iyo Salaaddiinta uu sheegay inay eedeeyeen waxa uu yidhi; โXildhamaan Garaad waxaad Idaacadda VOA u sheegtay oo tidhi ninkaas (Taliyahe Nuux) ha la khaarajiyo, maad odhan xil ha laga caydhiyo ee waxaad tidhi; โha la qaarajiyo, ha laqaarajiyana waa ha-la dilo. Waxaan Garaadaw ku leeyahay Illaahay ayaa wax dilla waxna nooleeya anigana Illaahay ayey ku xidhan tahay aja-shaydu. Laakiin, hadalka aad tidhi Maxkamadda ayaan u gudbiyay ee waa noo Maxkamadda, anigu sidaada han-jabimaayo, laakiin sharciga ayaan marayaa, Sharciguna Maxkamadda ayuu yaallaa ee waa inaad Maxkamadda igaga caddayso waxaan galay.โ
โSuldaan Saleebaan-na waxaan leeyahay waa markii Shanaadย ee sidaas oo kale u hadashay, hadda ka hor waxa dhacaday in Xeebta Ciidan ka soo degen, Ciidanka halkaas ka soo degay waxa ku lug lahaa Taliyihii Ciidanka ee halkaas joogay, waxba lama yeelin ee isaga oo noqday khaayinu-waddan ayaa la iska daayey oo waxa laga qaadayย xilkii oo qudha. Sagaal Suldaan ayaa soo fadhiistay oo aniga igu miisay ha la hubsado lama odhan, sagaalkaas Suldaan sagaal u jawaabo waan helilahaa, laakiin anigu Qaran baan ahay ee ma ihi reer, markii denbe waxay ogaadeen inaan anigu run sheegayey, Qarankana aniga ayaa ka run sheegaaya.โ Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Ciidammada Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani.
Waxaanu Taliyaha oo hadalkiisa sii wataa yidhi; โMaantana waxaad doonaysaan waan-garanayaa anigu, laakiin Somalilnd-ta kale ayaa innala arkaysa. Waxa kale oo aad doonaysaa ee aad sii sadaalinayso anigu waan garanayaa Illaahay ayaa dadka kale tusaaya ee waxaan ku leeyahay wax is kula hadh. Dadka meesha wada joogaa maaha dadka Xoolalayda ah ee waa dadka Beralayda ah oo dadka Xoolalaydu way kala guuri karaan, Dadka Beralayda ahi ma kala guuri karaan oo laba Berood oo isku xigay leeyihiin illaa fac illaa fac ku dhin-taan midna nabad ku qaddimaayo, anigu sidaas ayaan garanayaa ee Suldaan Saleebaanaw sidaa garo.โ
โKuwa dhintayna aniga ayaa kaa xiga oo midi inaabtigay ayuu ahaa dadwaynaha kalena waxaan leeyahay nin uu qaldami karaa, laakiin qaladka la iskuma raaco ee qalad ha isku raacina ee haddaan qaldanahay I qabta haddii qofku qaldan yahayna ha-la qabto.โ ayuu yidhi Taliyaha Ciidammada Qaranka Somaliland ย Nuux Ismaaciil Taani.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net