Tabobare Mourinho oo Meesha ka saaray inuu ku laabto Kooxda Chelsea

0

[stextbox id=”info”]SLpost Sports[/stextbox]

1 March, 2012 – Tabobarihii hore ee Kooxda Chelsea, Jose Mourinho ayaa meesha ka saaray inuu xilli-ciyaareedka dambe ku soo laabanayo kooxda garoonka Stamford Bridge.

Todobaadkan gudihiisa markii la arkay sawirro muujinaya tabobarahan u dhashay Portugal oo magaalada London ka baadi-doonaya guri uu iibsado, qaar ka mid ah taageerayaasa Chelsea waxa u qaateen in tabobaraha kooxda Real Madrid uu ku soo laabanayo shaqadii uu kooxda ka hayn jiray intii u dhaxaysay sannadihii 2004 iyo 2007.

Haseyeeshee, sida ay qortay jariiradda Daily Mirror, Mourinho waxa uu mulkiilaha hudheel cunto oo uu aad u xiiseeyo u sheegay inaanu ku soo laaban doonin naadiga uu hore guulaha u gaadhsiiyey.

Marietta Maccioni oo ah gabadh uu dhalay Alvaro Maccioni, Mulkiilaha hudheelka La Famiglia, oo uu Mourinho Macmiil la yahay wakhtiga uu London ku sugan yahay, ayaa tidhi, โ€œWaa wax wanaagsan muddo dheer ka dib, inaan mar labaad arko.โ€

โ€œWaxa la socday xaaskiisa, Dumaashidii iyo ninkeeda. Waxay halkan ka cuneen qado aad u wanaagsan oo ay ku raaxaysteen.โ€

โ€œJose waxa uu muddo la hadlayey aabahay, oo aan u malaynayo inay ka wada hadlayeen arrimo khuseeya qoyska iyo ganacsiga.โ€

โ€œWaxa uu sheegay inuu xaafaddayada ka baadi-goobay guri uu iibsado, waliba dhul ballaadhan oo uu qoyskiisa oo dhan la doonayo.โ€

โ€œShaqaalaha Hudheelka badankoodu waxay taageeraan Chelsea, xataa aniga, waxaanay weydiinayeen haddii uu ku soo laabanayo naadiga.โ€

Gabadhani waxa kale oo ay sheegtay inuu u caddeeyey inaanu ku soo laabanayn kooxdiisii hore ee Chelsea uu laba jeer la qaaday Horyaalka Ingiriiska iyo koobab kale oobadan.