SLpost Sports – Tababaraha kooxda Tottenhan Harry Redknapp ayaa shaaca ka qaaday inuu jeclaan lahaa inuu David Beckham keenoWhite Hart Lane, haddii ciyaaryahanka khadka dhexe uu goโaansado inuu ku soo laabto Premier League.
Qandaraaska ciyaaryahanka Beckham ee LA Galaxy ayaa waxa uu dhacayaa bisha November ee sannadkan, mana jirto ilaa iyo haatan heshiis dhexmaray isaga iyo kooxda Mareykanka.Kabtankii hore ee England ayaa si aad ah loola xidhiidhinayay kooxda haatan ku cusub Premier League QPR, laakiin hadiiba uu ku soo laabanayo horyaalkii uu magaciisa ku dhisay, Redknapp waxa uu rajeynayaa inay noqoto Tottenham.โHaddii David uu doonayo inuu yimaado Tottenham, gacmo furan ayaan ku soo dhaweynayaaโ.โWeli waa uu ku fiican yahay inuu ka ciyaaro Premier League, ciyaartiisa marna ma aheyn orod, sidaasi darteed inuu dhaqso badan yahay iyo in kale wax dhibaato ah ma lahanโ. Tababare Redknapp waxa uu intaa raaciyey
โDavid waxa uu leeyahay tayo gaar ah, sida uu kubada u istcimaalo iyo sida uu ciyaartoyda kale kubada ugu geeyo, waana ciyaaryaahn aan caadi aheyn, welina tayo fiican lehโ.
Beckham ayaa sannadkii hore tababar la qaatay Tottenham kadib markii uu dhammaaday horyaalkii MLS, laakiin waa uu awoodi waayay inuu si amaah ah ugu ciyaaro, maadaama kooxda LA Galaxy iyo Tottenham ay heshiis gaadhi waayeen.Waxa uu mar walba sheegayay inuu doonayo inuu ku laabto England, ย waxaana fursad uu ugu ciyaaro wadankiisa gudahiisa ka hor sannadka cusub ay siineysaa in loo xusho xulka Britian ee ciyaaraha Olombikada.