Taariikh-nololeedkii Sh. Cali Xaaji Ibraahim Xirsi โ€“ HORDHAC + Q.1aad ~ W/Q: C/raxmaan A. Koosaar

0

sheekh cali ibraahimู…ู† ุงู„ู…ุคู…ู†ูŠู† ุฑุฌุงู„ ุตุฏู‚ูˆุงย ย ู…ุง ุนุง ู‡ุฏุง ุงู„ู„ู‡ย ย ุนู„ูŠู‡ย ย ูู…ู†ู‡ู… ู…ู†

ู‚ุถูŠ ู†ุญุจู‡ ูˆู…ู†ู‡ู… ู…ู† ูŠู†ุชุธุฑย ย ูˆู…ุง ุจุฏ ู„ูˆุง ุชุจุฏูŠู„ุงย ย ย ย ย ย 

ย 

Weedha Qoraaga.

Bismilaahi Raxmaani Raxiim, ilaahay baa leh Mahad dhammaanteed iyo shukriba ilaaha swt ku gaar yeela cidduu doono ee adoomihiisa ka mida Hibooyinka sare & Deeqaha waawayn ee siiya qofkuu doono Asraar Qarsoon & tu muuqataba ee Awliyadiisa u arooriya ilaha Deeqda & sharafta Badan,naxariiis & nabad gelyona kor kiisa ha ahaato khalqiga Ilaahay oo dhan kii u khayrka badnaa sayidkeenii Muxammad csw isaga & Ehelkiisii & Asxaabtiisii Suubanayd ba.Intaasi ka dib,ย ย Aniga oo aan mudnayn inaan sheikh Cali Xaaji Ibraahim Noloshiisii & Cilmigiisii toona wax ka qoro oo aanay misana xagayga ka imanin ee ay Ikhwaanku ii soo jeediyeen in wax ka qoro ka dib markii dalabkaasi soo noqnoqdayna aan aqbalay Ilaahayna swt waxaan ka baryayaa inuu ii furoย ย ina waafajiyo ujeedada laga rabo qoraalkan aniga iyo inta jecelbana if & aakhiroba noogu naxariisto Barakadiisa isaga ayaa awood lehe.,Hadaba aniga oo ilaahay talo saaranaya waxaan halkan uga mahad naqayaa kuna tix raacayaa Afar qof ee sababta ugu wayn u ahaa inaan sheikh cali xaaji ibraahim uย ย yeesho intan yar ee kooban ee ka mida xayaatadiisa & cilmigiisii aan la koobi karayn afartaasi qof laba ka mida waan waraystay labana waxaan akhriyay qoraalo kaygan ka horeeyay oo ay sheekha ka qoreen.Ugu Horeyn Labada aan sheekha muddo ka waraysanayay.

1.ย ย ย ย ย Xaaji Xuseen Sheekh Ismaaciil Darwiish Allah yarxamuhu

2.ย ย ย ย ย Axmed Jaambiir Kaahin.

1.ย ย ย ย ย Xasan Axmed Faaraxย ย ย ย .

2.ย ย ย ย ย Cumar Sh. Ibraahim Cammir Allah Yarxamhu.

Hadaba , waxaan ka cudurย ย daaranayaa hadii ay dhacdo in wax khalad ah nooc kasta ha noqdeeย ย lagu arko qoraalkan in uu yahay mid uu sababay aqoon yaraantayda iyo daciifnimadaydaย ย ee aanay shaqo ku lahayn sheekha iyoย ย dadkaasi sharafta mudan ee aan tix raaca ku sameeyay midkoodna wixii wanaag ahna waxa iska leh Ilaahay swt..Sidaasi darteed waxaan ka codsanayaa akhrista ay indhihiisu qabtaan wax nuqsaan ah inuu I ogeysiiyo ileen nin habari dhashay hal ma seegi waayee

Wa Billaahi Tawfiiqย ย ย ย ย ย ย ย A/rahmaan Axmed Koosaar.Mobile :-ย ย ย 063 410 9607.

ย Email :-ย ย hadrtulawliyaa@hotmail.com.

ย ————————————–

Shakhsiyadda Sheikh Cali Xaaji Ibraahim Xirsi, Barbaaridiisii iyoย ย wax barashadiisii

Sh. Cali xaaji Ibraahim Xirsi oo hooyadiina la odhan jiray khadiija Axmed wuxuu ku dhashay Deegaanka Oodwayne meel la odhan jiray Balliga Guuleed Xaaji 1905, quraanka Kariimka ah wuxuu ku bartay meeshaasi miyiga ah markii uu quraankii dhammeeyayย ย wuxuu tagayย ย Magaalada Berbera oo uu aabihii xaaji ibraahim ku haystay Ganacsiย ย waxaanu magaalad berbera ka sii watay tacliintiisii isagoo wax ku bartay iskuul uu lahaan jiray nin soodaaniya oo la odhan jiray Sayid khayra lah,halkaasi oo uu ku bartay culumta xadiiska,Tafsiirka,iyo faniyada kala gedisan ee luuqada Carabiga, waxa xusid mudan in uu aabihii qayb wayn ku lahaa in waxbarashada wiilkiisu kaalin gasho waxaana markhaati u ah isagoo xaj ka tagaya ayuu tuducyadan ku dhiiri geliyay.

Aqalkii Ilaahay iyo xajkiibaan Qalab u haystaaye

Calaw qayb khadkiyo looxu waa qawl ilaah dhigaye

Markii uu si fiican u dhamaystay dugsigii Soodaaniga wuxuu u kicitimay Magaalada Bullaxaar oo waagaasi aad u camirnayd culimoย badan oo akhriya faniyada kala gedisan ee cilmiga diiniga ahina ay ku sugnayd halkaasi ayuu si fiican ugu dhex galay fiqiga iyo luuqada af carabiga isagoo baaric ku nocday noocyada kala gedisan ee afka carabiga sida naxwaha sarfiga balaaqada noocyadeed Bayaanka & Badiica iyo Cilmiga Diintana sidoo kalena wuxuu aad u bartay cilmiga xisaabta sida Handasada Jabrada & jajabkaย ย ka ,sidoo kale wuxuu aad u bartay cilmiga Mandiqa Cilmiga Falaga Iyo taariikhda & juquraafiga..

Hadii aan Tacliintiisa Is raaciyo sheekha waxa suudaan u dirtay Dawladii Ingiriiska halkaasi oo ku maqnaa laba sanadood kuliatu Diraasaadka islaaamiga kana soo qaatay Diktoorah, xili uu aad u yaraa ayuu kaalin galay waxa dadka ku hareeraysan uga muuqanayay bidhaamo iyo calaamado muujinaya Raganimo dheeraad ah ilaa intii uu yaraa waxbaa lagu halaynayay barakona waa laga arkayay aad na wuu u dhawrsoonaa caqli aad u miisaaman ayuu ilaahay siiyay oo xili iyo kasta iyo goobย ย kasta oo uu joogo uu arimaha la soo dersa ee noloshu keentoย ย ku xalilayay.

Sheekh Cali xaaji ibraahim wuxuu ahaa bad wayn cilmiya oo aan la soo koobi Karin waxaanu noolaa nolol cibro ugu filan qofkii milicsada oo misanaย ย ย lagu dhammayn Karin qoraal u kooban sidan ooย ย kaleย ย :-ย ย ย ย qofka codkiisa maqlaa wuxuu odhan lahaa waa sheikh caalim ah,ย ย ka taladiisa arkaa wuxuu odhan lahaa waa hogaamiye qawmi ah, amaย siyaasi xeel dheer, qof ka kutubtiisa iyo qasaaidkiisa arkaa wuxuu odhan lahaaย waa qoraa Islaamiya, ka nolol la qaybsadaa ee la fadhiistaa ee arka karaamooyinka ilaahay siiyay ee uu qarinayoย ย wuxuu odhan lahaa waa wali awliyada ilaahay ee waawayn ka mida, qofkii cilmi baadhis rasmi ah ku sameeya noloshiisa ee arka siday uga buuxdo kifaax & dadaal,ย ย iyo dheefta iyo dhaxalka uu ka tagay ee aan duugoobayn wuxuu yaqiinsanayaa inuu ahaa halayay uu ilaahay ummadan ka soo saaray, oo ay adag tahay in la helo dhigiisii, wuxuu kaalin galay isaga oo aad u yar waxaanu koobsaday cilmiyo fara badan oo dhinacayo badan leh, wuxuuย ย noolaaday isagoo sharaf leh oo tusaale fiicanย ย u ah siday ay tahay iyo macnaha dhabta ah ee ay leedahay suufinamada dhabta ah, wuxuu kuย ย toosnaa dariiqa saxda ee daahirka shareecada,ย ย laabtiisuna saafi ayay ahayd,ย ย intuu noolaa cidna gacanta muu hoorsan, ee wuu shaqaysanayay, waxaanu u shaqaynayay dalkiisa dadkiisa & diintiisa,ย ย isagoo daโ€™ ahย ย habeenna kama fadhiisan shaqada diinta , intaasi oo aad isku gaysoย ย iyo in kale oo aan la soo kobi karaynin ayuu dhab ahaan ahaa Sheekh cali Xaaji Ibraahim ( wal xaqu yuqaal) wixii xaq ah waa la sheegaa.

Waxba yaan hadal idinku daalineย ย aan milicsano waxyaalaha ugu muhiimsan ee ay mudanย ย tahay inaan milicsano.

LA SOCO……………….