Nairobi (SLpost)- Hoggaamiyihii u horreyey ee Madowga ah ee madax ka noqda Dalka Koofur Afrika, isla markaana si weyn caan ugu caan ahaa la-dagaallanka midab-takoorka,ย ย Nelson Mandela, ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
Madaxwyenaha Koofur Afrika Mr. Jacob Zuma ayaa ku dhawaaqay geerida Nelson Mandela, wuxuuna sheegay Madaxweyne Zuma in markii uu geeriyoonayay ay la joogeen dad badan oo qoyskiisa iyo ehelladiisa u badnaa.
โQaranka Koofur Afrika wuxuu waayay wiil, dadka Koofur Afrikana waxay waayeen Aabbe,โ ayuu yidhi Madaxweyne Zuma oo hadalkiisa ku sii daray, โWixii ka dhigay Mandela qof weyn oo la qadariyo ayaa dhab ahaan ah wixii ka dhigay baniโaadamโ.
Jacob Zuma wuxuu intaas ku daray in Mandela uu u geeriyooday si nabad ah,ย isagoo caddeeyay inย Nelsom Mandela uuย ahaa madaxweynihii aas-aasay qaranka dimoqraadiga ah ee Koofur Afrika.
Nelson Mandela oo daโdiisu ahayd 95 sano ayaa u geeriyooday xanuun kaga dhacay sambabada, kaasi oo dhowr jeer Cisbitaal loo dhigay, waxaana geerida Nelson Mandela si weyn uga naxay dad badan oo caalamka ku nool, gaar ahaan dadka Koofur Afrika.
Nelson Mandela oo lagu naaneysi jiray โMadibaโ ayaa xabsi ku muteysay dhaqdhaqaaqyadiisii xornimo-doonka ahaa ee uu uga soo horjeeday xukunkii caddaanka ee ka talin jiray Koofur Afrika, wuxuuna xabsi ku jiray 27 sanadood. Markii xabsiga laga soo daayay ayaa wuxuu ku guuleystay in uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah oo si dimoqraadi ah loo soo doortay. Sanadkii 1994-kii ayuu doorashada madaxweynenimada ku guuleystay, shan sanadood kaddibna wuxuu ka degay xukunka.
Taariikh-nololeed Kooban
Marxuum Nelson Mandela, ayaa sannadkii 1918 ku dhashay Xaafadda Mvezo ee Eastern Cape. Labaatan sanno ka dib oo ku beegnayd Sanadkii 1943 ayuu ka mid noqday Xisbiga ANC. Markii ay daโdiisu ahayd afarteemo Jir, Sanadkii 1964 ayaa xabsi daaโin lagu xukumay sabab la xidhiidha in uu ka horyimid xukunkii talada hayay ee caddaanka ahaa.
Mandela waxa xabsiga laga sii daayey Sanadkii 1990, wakhtigaas oo uu dib u bilaabay baaqyo uu dadka ku dejinayo kuna farayo in laga wada-shaqeeyo midnimada iyo horumarka dalka Koonfur Afrika, waxaana sannadkii 1993 la guddoonsiiyay abaal-marinta nabadda.
Mujaahid Nelson Mandela, waxa sanadkii 1994-kiiloo doortay madaxweynaha Koofur Afrika, isaga oo Afar sanno uu talada dalkaas hoggaaminayay ugu dambeyntii waxa uu xukunka ka degay Sanadkii 1999kii.
Dareenka Hoggaamiyeyaasha Caalamka ee geerida Nelson Mandela
Dalka Koonfur Africa ayaa waayay shaqsi agtooda aad ugu weyn, kaasi oo u soo dagaallamay xoriyadda wadankaasi, isla markaana ah hogaamiyihii ugu horeeyay ooย ย madow ah oo madaxweyne ka noqda Koonfur Africa ka dib muddo 27-sano ah oo uu xabsi ku jiray.
Geerida ku timid Nelson Mandela waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay madaxda dowladahaย ย qaybahooda kala duwan oo ay ku jiraan kuwa horey xilal u soo qabtay iyo qaar ka mid ah dad caan ka ah adduunka oo kusoo guulaystayย ย billada nabadda ee Nobel Peace.
Hadaba halkan waxaa ku soo koobaynaa hadalladii ay maanta sii daayeen hogaamiyayaasha aduunka qaarkood ,oo intooda badan ka hambalyeeyay wixii uu soo qabtay Mandela oo ah ruux si weyn looga yaqaan aduunka.
Madaxweynaha Koonfur Afika ayaa ahaa ruuxi ugu horeeyay ee shaaciyay geerida Nelson Mandel oo 95-sano jir ku geeriyooday, isagoo oo sheegay in Mandellaย ย uu ahaa aabaha xorriyadda Koonfur Afrika.
โQaranka Koofur Afrika wuxuu waayay wiil, dadka Koofur Afrikana waxay waayeen Aabbeโayuu yiri Madaxweyne Zuma oo hadalkiisa ku sii daray. โWixii ka dhigay Mandela qof weyn oo la qadariyo ayaa dhab ahaan ah wixii ka dhigay baniโaadamโ.
Waxaa kaloo geerida ku timid Nelson Mandela ka hadlay FW de Klerk oo ah madaxweynihii Koonfur Africa sanadihii 1989-1994 ,isla markaana ah ruuxii goโaamiyay in Mandela xabsiga laga sii daayo isagoo sheegay in geeridan ay murug weyn u tahay dhamaan Afrika oo dhan.
โHoggaamiye rasmi ah ayuu ahaa Mandela ,waayo waxaa uu ka horyimid arimo badan oo xiligiisi qatar galin karayay dadka madawga ah,โ ayuu yiri de Klerk oo ay ka muuqatay in uuu aad uga xunyahay geerida ku timid hogaamiyihii Koonfur Africa.
Madaxweynaha Maraykanka Obama ayaaย ย isna in badan ka sheekeeyay halgankii uu soo galay Mandela, kaasoo xusay in Mandela uu waqti badan ka galay sidii dadka madowga iyo cadaanka Koonfur Africaย ย u hali lahaayeen fursado isku mid ah.
โWixii intaa ka danbeeyay annagu ma lehin ee waxaa leh kuwii naga horeeyay ,waana tusaalaha dhabta ah ee aduunkan,โ ayuu yiri Obama oo xusay in Mandela oo ahaa geesi madow ah oo in badan u soo dagaallamay xoriyadda Koonfur Afrika
Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykankaย ย Joseph Biden ayaa sheegay in saaxiibo aad u dhow ay ahaayeen Mandela, isla markaana markii xabsiga laga soo daayay Nelson ay ku kulmeen xafiiskiisa, isagoo ku darayย ย in ay aqoon dheeraad ah isku lahaayeen.
โMarkii laga soo daayay xabsiga waqtigaa aniga Senator ayaan ahaa waxaan weydiiyayย waxa kala gudboon xabsiga uu mudada ku jiray, wuxuuna jawaab iiga dhigay in saaxiib uu la yahay waqtigan la joogo kuwii isaga xiray,โ ayuu yiri Biden oo ka tacsiyadeeyay geeridaas.
โAdduunka waxa uu waayay mid ah dadkii ugu codka dheera dhanka cadaaladda una sooย dagaallamay in xoriyad ay ku wada noolaadaan qaran ka kooban dad isku dhaf ah ,Mandela waxa uu inoo yahay calaamada innaga oo dhan โayuu isna yiri xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Koofi Anan oo ka hadlayay geerida ku timid Nelson.
โDhimashadiisa waxey ka dhigantahay in aduunka uu waayay hogaamiye weyn, kaasi oo Koonfur Africa ku hogaamiyay nabad iyo dib u heshiisiin ilaahey ayaan uga baryayaaย ย in nabad galyo uu ku sugnaado aniga oo tacsi u diraya eheladiisa,โ ayuu isna yiri hogaamiye diimeedka Tibet Dalai Lama,kaasi oo billada nabadda aduunka ku guulaystay laba jeer.
Haddii aan dib ugu laabano taariikh kooban oo ku saabsan Mandela, waxaa xabsiga dhigay dowladii caddaanka ahayd isaga iyo shaqsiyaad gaar ah oo lagu eedayay in ay doonayaan afgambi ay ku sameeyaan xukuumaddi jirtay waqtigii uu xirnaa.
Isaga oo ka hadlayay maxkamadda gudaheeda dacwad loogu magac daray Rivonia oo ah meel ku taalla banaanka Johannesburg halkaasi oo laga soo xiray qaar ka mid ah dadka eedeysnaa, ayaa Mr Mandela waxa uu gudbiyay waxa uu aaminsan yahay oo la xiriirtayย dimuqraadiyad, xorriyad iyo sinnaan.
โWaxaan difaacayaa aragtida dimuqraadiyadda iyo bulsho xor ah taasi oo dhammaan dadku ay ku wada nool yihiin heshiis iyo fursado loo siman yahay,โ isagoo ku darayย ย โWaa aragti aan rajeynayo inaan ku noolaado oo aan helo. Laakiin haddii loo baahdo, waa aragti aan diyaar u ahay inaan u dhinto.โ
Ugu danbayntii madaxda dowladaha aduunka ayaa dhamaantood wada sheegay in si isku wada mid ahย ย uga qayb-galayaan munaasabado gaar ah oo loogu tacsiyadaynayo Koonfur Africa ,maadaamaย ย uu ka geeriyooday ruux sabab u ahaa xoriyadooda.
Courtesy: HOL