Suldaanka Guud ee Beelaha Habarjeclo oo cayimay wakhtiga qabsoomidda gogol-nabadeed oo u fidiyey beelaha Buuhoodle

0

Hargeysa (SLpost)- Suldaanka guud ee beelaha Habarjeclo Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali oo 13-kii bishan iclaamiyay gogol nabadeed oo uu u fidiyay beelaha Buuhoodle ee ay shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka Kalshaalle, ayaa sheegay in shirkaasi nabadeed ka qabsoomi doono 27-ka bishan December deegaanka Taalabuur oo ku yaala hawdka Magaalada Burco.
Suldaanka oo maanta gurigiisa magaaladda Hargeysa ugu waramayay wariye Cumar Maxamed, waxa uu kaga waramay shirkan uu iclaamiyay waxaanu yidhi, โ€œWaxaan 13-kii bishan ku dhawaaqay gogol nabadeed inaanu u dhigno beelihii deegaanka Kalshaale ay dhibaatadda iyo shaqaaqaddu ka dhex dhacday inaanu dhigno anigoo ka wakiil ah beelaha Habarjeclo. Gogoshan oo gobol nabadeed dhaqan. Waxaanan u dhigaynaa beelaha Reer Buuhoodle oo walaalahayo ah.โ€
โ€œWaxaan maanta reer Buuhoodle halkan uga jeedinayaa Garaado, Waxgaradka, Dhalinyaradda iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda inay ka soo qeyb galaan gogoshan nabadeed, waxaanan idiin sheegayaa in 27-ka bishan uu shirkii aan hore u iclaamiyay diyaar yahay. Waxaanan si sharaf iyo maamuus leh idiinka codsanaynaa inaad ka soo qeyb gashaan shirkan,โ€ayuu yidhi Suldaan Cabdilaahi Suldaan Suldaan Cali.
Suldaanka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi โ€œ Waxaan idinka rajaynayaa inaad si walaalnimo iyo islaamnimo ah aad uga soo qeyb gashaan Gogoshan. Anguna waxaanu idiin soo dhawaynaynaa waji faraxsan iyo qalbi furan.โ€

webmaster@Somalilandpost.net