Hargeysa(SLpost) Afhayeenka Salaadinta Dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey ayaa ka hadlay baahi caafimaad oo ka jirta Dagmooyinka SaboWanaag Iyo Cadaadley oo uu dhawaan Booqday.
Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray ayaa sheegay in degmooyinkaasi ay ka jirto baahi dadku u qabaan adeegyadii caafimaadka waxaana uu yidhi โWaxan Doonayaa in aan maanta ka hadlo dhawr qoddob oo khuseeya caafimaadka Dagmooyinka Sabo-Wanaag Iyo Cadaadleyย oo muddooyinkii u dambeeyay la moodo in ay liidato, labadaa dagmo ee aan soo sheegay ma laha wax ambalaas ah ama gaadiidka gurmadka deg-dega ah oo hadday wax dhacaan lagu gurmado.
Suldaan xiiray oo ka hadlay sida ay dadka deegaanka u damaqday baahida ay u qabaan adeegyada bulshada gaar ahaana dhinaca caafimaadka ayaa yidhi:-โSidoo kale dadka deegaanku waxa ay ii sheegeen in dhawrkii bilood ee la soo dhaafay ay umul arooreen Afar dumar ahi waxaana u sabab ahaa ilaahay ka sokow in la waayay wax lagu soo qaado ilaa halka la yidhaa kaam ugaadh iyo labi-sagaal waxaan Wasaarada Caafimaadka Ka Codsanaynaa in degmooyinkaasi u diyaariso gawaadhidii ambalaasyada ahaaโ.
Suldaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi โDeegaanka waxa ka dilaacay Shuban biyood Tuulada bali shire la yidhaa Hal qof ama ilmayar ayaa ku dhintay waxaanu leenahay xukuumada ha u gurmato dadkaas shuban biyoodku ka dilaacay Deegaanadoodii ay Daganayeenโ.
Suldaan Xiiray Sidoo Kale waxa uu ka hadlay xaaluf balaadhan oo lagu hayo deegaanka kaas oo dhirtii la xagaafay waxaana uu yidhi ย โWasaaradda deegaanka waxaan ugu baaqayaa in ay wax ka qabato dhulkan la xaalufinaayo dhammaan dhulkii iyo dhirtii waxa laga shidayaa dhuxul waagii baryaba waxa laga buuxiyaa baabuur waraaddo ah taasna waxaan ugu baaqayaa wasaaradda deegaankaโ.
Suldaanka oo si gaara farriin ugu diraya xukuumadda ayaa waxa uu yidhi โAdeer intaad ku meeraysanasaan hudheelo iyo ciidamo laamida la wadho waar dadkiinan wax u qabto Dadkani waa kuwaad ku noqonasaan hadhow markaad cod rabtiineโ.
Suldaanka ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey baaq uu u diray Wasaarada Xannaanada Xoolaha Somaliland:-โqoddobka aan ku soo gabagabaynayo waxa weeye xoolaha deegaanka waa ay xanuusanayaan gaar ahaan geela wasaaradda xanaanada xoolaha waxaan ka codsanaynaaa in ay tiim deg-deg ah u dirto deegaanadaasiโ
ย