Hargeysa(SLpost)-Suldaan Mawliid Sabayso oo kamid ah salaadiinta Somaliland, ayaaΒ jawaab kulul siiyey Xildhibaan Ismaaciil Cago-yare oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka Hargeysa, kaas oo dhawaan dhaliilay qaabkii ay xulka Kubadda Cagta M/jeex uga hadheen Koobkii Gobollada Somaliland.
Suldaan Mawliid Sabayso oo warbaahinta kula Hadlay magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu meesha ka saaray inay jirto wax colaad ah oo dhextaalla Reer Awdal iyo Reer Hargeysa, waxana uu tilmaamay inay yihiin dad walaalo ah, βHargeysa iyo Awdal waa laba gobol oo walaalo ah xumaanina kama dhaxaysa oo is ood xiga.βayuu yidhi Suldaan Mawliid Samayso. Sabayso oo hadalkiisa sii wata, ayaa duray Qaabkii uu kusoo baxay Xildhibaan Cago-yare, waxana uu tilmaamay in suβaali ka taagan tahay qaabkii uu kusoo baxay, waxana uu yidhi, βHalkan(Hargeysa) waxa fadhiya Inan xildhibaan ah oo cago-yare la yidhaahdo oo cod xaaraan ah kusoo baxay marka horeba Reer Hargeysana ma ahee Cod xaaraan ah buu kusoo baxay marka horeba.β
Suldaan Sabayso waxa uu sheegay in Xildhibaan Cago-yare ku Hawllan yahay sidii uu colaad iyo cunfi uga dhex abuuri lahaa Shucuubta Hargeysa iyo Borama, βCiyaartoyda Reer M/Jeex iyo kuwa Reer Awdal buu Xildhibaan Cago-yare doonayaa sidii ay isku dili lahaayeen, arrintaansa Haddii aanu Gobolka Hargeysa nahay wixii halkaas ka dhaca Ninkaas dhex rooraya ayaa masuul ka ahe xukuumaddu ha ogaato.βayuu yidhi Suldaan Sabayso.
Hadalka Suldaanka, ayaa kusoo beegamaya xilli uu dhawaan Xildhibaan Ismaaciil Cago-yare si kulul dhaliilo ugu jeediyey Garsoorka Somaliland, isla-markaana uu sheegay in caddaalad darro lagu reebay Xulka Gobolka Awdal.