Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqadir Oo ka Digay Khatar ka iman karta Mudaharaad ay ku baaqeen ururrada Hadhay, Talo waayel-na u soo jeediyey

0

Hargeysa (SLpost)- Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadirย  oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland ayaaย  Ururadda Siyaasadda ee ku hadheyย  qiimeyntiiย  Guddidaย  Diiwaangelinta Ururaddaย  Siyaasaddaย  u soo jeediyey inay joojiyaanย  Mudaharaadka ay ku baaqeen oo uu tilmaamay in uu wax weyn u dhimi karo Nabadgelyaddaย  ay Somaliland kuย  naalooneysay labaatankii Sanno ee u danbeeyey.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadirย  waxa kale oo uu ugu baaqay Ururadda Cabashada ka muujiyey goโ€™aankii Guddidaย  Diiwaangelintuย  kuย  kalaย  reebeenย  shan iyo tobankiiย  Ururย  Siyaasadeedย  ee isu Diiwaangeliyeyย  in ayย  Cabashadooda u maraanย  Sharcigaย  iyo Xeerarka ย dalka u yaalla, isla markaana ay ka feejignaadaan waxa kasta oo Nabadgelyadda wax u dhimaya.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadirย  oo qaar ka mid ah Warbaahintaย  u waramayeyย  waxa uu sidoo kaleย  ka digeyย  Mudaharaadka ay ku baaqeenย  qaar ka mid ah Ururadda Siyaasadda ee hadhey, waxaanu u soo jeediyey shacabka reer Somaliland inay ilaashadaan Nabadgelyadda ay ku caano maaleen.

Suldaanka Guud oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi,ย  โ€œWaxa aan ka hadlayaa arrintan Asxaabta, waxa aadย  moodaa in uu burbur ka soo bixi karo arrimaha ay ka dhawaajiyeen ย eeย  Asxaabtan meesha ka baxdeyย  dhibaatooyinย  faraย  badana ayย  keeniย  karto ย ooย  ay inaga noqotoย  Mushkiladaaย  Xamarย  kaย  dhacdeyย  inay Somalilandย  maantaย  kuย  danbayso. Waxa aan Asxaabta kulaย  talinย  lahaaย  Sharciyaddaย  ayaaย  uย  furan inay Mudaharaadkaasย  ooย  aanย  dadkoodaย  iyoย  dadkoodaย  u wanaagsaneynย  eeย  u horseediย  kara dhibaatadda ay arrintoodaย  Maxkamadda ka furtaan inayย  dacwadooda u gudbinย  karaanย  Komishanka, markaas waxa aan ka baryayaa asxaabtaas Mudaharaadka ballanqaadeyย  inay arrinkaasย  kaย  fiirsadaan ooย  ay Mudaharaadka wajigiisa kaย  fiirsadaan oo ay wajigiisa ka daayaan ooย  ay ย iyagu Kiiskoodaย  furtaanย  waayoย  waxย  kastaaย  way dhiciย  karaan Cadaaladย  darroย  wayย  dhiciย  kartaa, hawshan Mudaharaadkunaย  Qarankaย  ayeyย  dhibaatoย  sooย  gaadhsiinย  kartaa, Asxaabtaย  intaย  hadheynaย  Xisbigaa Badbaadoย  ayaaย  sheegayย  isaguย  inaanuย  Mudaharaad u gudbineyn ย arrintiisa, waxa aanan leeyahay walaalayaal inaga daaya Mudaharaadย  ooย  dadย  kawย  iyo Labaatan Sannoย  arrimahooda warbaahinta ku dhiibanayeyย  ayeynu aheyn ย Cadaaladuna waa dhaarย  ooย  haddeyย  qoladaasiย  inayย  Cadaaladย  faleenย  kuย  dhaartaan ย deeย  Cadaaladeeda waaย  la arkiย  karaa, waxa aananย  asxaabta kulaย  talinayaa ย ooย  aanย  leeyahay.โ€

Suldaan Maxamed oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray oo uu yidhi, โ€œWaxaย  inaguย  sooย  socda ย kiiย  Koonfureed eeย  Somalilandย  iyoย  Somaliaย  wadaย  hadlayeen, laakiin waa ay u muuqanaysaaย  haddiiย  uuย  Mudaharaadkaasi Hirgalo ย dhibaatoย  aanย  laย  fileynย  inayย  sooย  baxdo,ย  waxa aanย  leeyahayย  Mudaharaadkaasย  aad ku baaqdeen ka fiirsada ย Xukumaddana ย waxa ย aan ย leeyahay ย in ayย  iyadda laftigeeduย  kaย  fiirsatoย  arrintanย  oo ay baadhis Xoogganย  kuย  sameysoย  Ummadda sidiiย  Nabadgelyadooda loo ย sugiย  lahaa.โ€

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net