Suldaan iyo 11 Caaqil oo Wasiirka warfaafinta ku Bogaadiyay Idaacadda Hawada Gashay iyo Masuuliyiinta uu magacaabay

0

Hargeysa (SLpost)- Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi oo ka mid ah Madax-dhaqameedkaย  Gobolka Hargeysa 11 Chief Caaqil oo ka tirsan beeshiisa, ayaa maanta Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Md.ย  Cabdi Yuusuf Ducaalle (Boobe) guusha uu ka gaadhay inay hawada gasho idaacadii cusbayd ee Radio Hargeysa oo maalintii labaad maanta si tijaabo ah looga dhegaystay gobolada dalka iyo qaar ka mid ah wadamadda mandaqadda oo ay ka mid yihiin Dalalkaย  Itoobiya, jabuuti, Kenya iyo Tansaaniya.

โ€œAnigoo ah Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi iyo 11 Chief Caaqil ee hoos ku xusayn, waxaanuย  Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Md.ย  Cabdi Yuusuf Ducaalle (Boobe) ย waxaanu ku bogaadinayaa Idaacadii cusbayd ee Radio Hargeysa oo hawada gashay, taasi oo maalintii labaad si tijaabo ah hawada ugu jirta, lagana dhegaystan gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan iyo qaar ka mid ah wadammada jaarka ah oo ay ka mid yihiin Itoobiya, jabuuti, Tansania iyo Kenya, ย Waxaanu u aragnaa inuu ka midho dhaliyay baahi culus oo dalku u qabay idaacad dalka wada gaadha oo qaran, taasi oo 21-kii sanadood ee la soo dhaafayba aan u suurto-gelin Tobaneeyaddii Wasiir ee iskaga dambeeyay Wasaaradan.

Waxa kale oo aanu Wasiirka warfaafinta ku hambalyaynaynaa labada masuul ee cusub ee uu 27-kii bishan u magacaabay DAWAN Media Group iyo Telifishanka qaranka, waxaanu u aragnaa labada masuul ee kala ah Guddoomiyaha Cusub ee Wargeyska DAWANย  Cumar Maxamed Faarax iyo Agaasimaha Cusub ee TV-ga Qaranka Xuseen Cabdilaahi Deeqsi, waxaanu leenahay waa tallaabo aanu soo dhawaynayno una aragno Wasaaradii oo dib loo dar-dargelinayo isla markaana la abaal mariyay shaqaalihii kartida muujiyay mudadii ay shaqaynayeen.

ย Waxaan iyagana ILAAHAY uga baryaynaa in xilka culus ee dhabarka loo saaray uu fududeeyo,โ€

Magacyadda Cuqaasha bayaankan soo saaray

1-Cheif Caaqilย  Fahad Cabdi Cali Mahdi

2- Chief Caaqil Baashe Aw Cismaan

3- Chief Caaqil Maxamad Xaashi C/laahi

4-Chief Caaqilย ย  Maxamad Faaraaxย  Diriye

5- Caaqilย ย ย ย  Xuseen Jaamac Colaad

6- Caaqilย ย ย  Ismaaciil Dhagย  Libaax

7- Caaqilย ย ย ย  Axmad Dhoobaaleย Xirsi

8- Caaqilย  Kayseย ย ย  Muxumadย  Cabdai

9-ย  Caaqil Mahad Muxumad Good

10- Caaqilย Ismaaciil Faarax Xasan

11- Caaqil ย Sheekh Ibraahin Cumar