Hargeysa (SLpost)- Suldaanka guud ee Beelaha Maxamed Daaโuud (Guuyoobe) ee Beelaha Ciidagale Suldaan Maxamed Cabdilaahi Galaal ayaa si kulul u beeniyey wararka sheegaya in shaqaaqo iyo saan-saan colaadeed ka taagan tahay Deegaanka Balli-Maxamed Daaโuud oo uu hore Suldaan Yuusuf Xiirey uga soo saaray qaylo dhaan la xidhiidha muranka halkaas ka taagan.
Suldaanka oo shalay shir jaraaโid ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay Beel ahaan deggan yihiin oo ku sugan yihiin Balligoodii ay muddadaย badan degenaayeen, islamarkaana aanay wadin wax deegaankaas ku cusub.ย Suldaanka oo arrintaas ka hadlaya, ayaa yidhi, โHorta aan ku saxoโe waxaan ahay Suldaanka Guud ee Beelaha Maxamed Daaโuud, Mar labaadna Suldaanka labaad ee Beelaha Ciidagale, Marka saddexaadna waxaan ahay Suldaanka Keenay Nabadda Somaliland ku naaloonayso taasi waa taas, Mida kale Shaqaaqadaas uu suldaan Yuusuf (Xiiray)ย sheegay waxba ka ma jiraan. Ceebkalena ma jirtee dadkani balligoodii bay degeen oo ku ducaysteen, shaqaaqona ma dhicin oo dadkani waa dad walaalo ah, mana arag cid reerkaas suldaanku ka soo jeeda ah(isaxaaq) ooย noo timi oo tidhi waxaas ayaanu ka cabanaynaaโย Sidoo kale waxa uu suldaan Galaalย ka sheekeeyey taariikh hore oo Balligani soo maray,ย ย xilligii goobtaas la degey iyo Ladqabo hore uu Deegaankaas ka galay, waxana uu yidhi,ย โBallibaa jira u dhaw balligan Maxamed Daaโuudku qoday 55-kii, balli-golis baana la yidhaahdaa, 1995-kii baana qolada reer Golis qodeen, iyadoo wakhtigaana aan anigu ka diiday codsi Beeshayada iiga yimi oo ay leeyihiin aynu ka Aasno Balligeennii bay u soo dhawaadeene. Markaa waxan uu suldaan yuusuf saadinayo ee uu leeyahay shaqaaqaa dhacday anigu ma ogi.โ
Waxa kale oo uu suldaanku sheegay tallaabooyin uu saluugay oo uu wasiir-ku-xigeenka Amnigu intuu u yeedhay ugu yeedhiyey Goโaan uu sheegay inuuย cid kale ku socday, waxana uu sidoo kale saluug ka muujiyey qaabkii uu wasiir-ku-xigeenku u soo abaabulay kulankii uuย salaadiinta kula kulmay, waxana uu yidhi, โMaalin dhaweyd ayaa la igu yidhi wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagaa doonayaa oo wasiir-ku-xigeenkaa ku doonaya, waana maalintii ugu horraysay ee aan waligay tegay, waxana la I dhex geeyey toddobaatan nin oo wada gadh-casย ah oo uu suldaan xiiray hogaaminayo, waxanaย halkaas laga akhriyey, Goโaan la yidhi Guddi baa soo saartay ee waa inaad labadaa Balliย gacmihiina ku dumisaan oo Amarkaa fulisaan, warqaddaasina anaga naguma socotee wasiirka arrimaha gudaha ayey ku socotaa, laba Ballina meesha ma jiraan oo waa Balligayaga oo kaliya.โ
Waxa kale oo uu suldaankuย dhaliilay Amarka ay xukuumaddu u akhriday ee ay ku amartay salaadiinta in la dumiyo Ballida Goobtaas lagu sheegay, waxana uu yidhi,โDawlad baa wax dumisa intayย goโaan soo saarto oo maxkamdaheeda iyo xeerarkeeda marto, Suldaan guryo dhisan ma dumiyoโeย wuu dhisaa, mana aha dhaqanka iyo karaamada soomaalida, halkanina maaha Balloodho la iska rarayee waa balligayagii.โ
Suldaanka oo mar kale hab masraxiyeysan uga hadlaya Odhaah uu Suldaan Xiirey ku sheegay inuu meelo deegaankaas ka mid ah soo gubay, waxa uu yidhi, โBarigii uu Gaboose Wasiirka Arrimaha Gudaha ahaa ayuun Baan maqli jirey Guryo New Hargeysa ku yaalla ayaa la gubay, markaa waxan uu leeyahay suldaan Xiirey waan Gubay adeer anigu ma garanayee muu yidhaahdo waxbaan dumiyey.โ
ย Suldaanka oo mar kale tilmaamaya inaanu Balligani ka duwanayn Balliyada kale Beelaha reer Somaliland leeyihiin ee qodani, waxa uu yidhi, โWasiirka Amniga waxan leeyahay Balligaanu Toddobaatan sanadood baanu degenayne Haddii dawladu hayso sharci Balligayaga lagu duminayo oo ka duwan kunkan Balli ee Qodan dee Ha Keento.”
Murankanย la xidhiidha arrimaha dhulka oo in mudo ahba soo Taagnaa, ayaa u muuqda mid aanay wali ka soo bixinย goโaan mug leh oo labada dhinacba qanciya, waxana maalinba maalinta ka dambaysa soo baxaya dhiillo iyo warwarย ku saabsan in isku dhac kaย dhasho halkaas, iyadoo Goโaankan la yidhi Guddi baa soo saartayna aanu ahayn mid wali qaneeco keenay. Gebogabadii waxa uu Suldaan Galaal Warbaahinta u soo bandhigay Qoraal Talo Soo jeedin ah oo hore ay u soo saareen Guddi uu Wasiirka Daakhiligu u igmaday xalinta muranka dhuleed. Qoraalkan ayaa nuxur ahaan xambaarsanaa Talo soo jeedin ay xubno Toddoba ah oo guddidu ka koobnayd ku socodsiiyeen wasiirka, kuwaas oo ay ku sheegeen Waxyaabihii ay isla qaateen guddi ahaan markii ay xaqiiqo raadinta u tegeen deegaanka muranku ka jiro. Suldaank Galaal oo Qoraalkaas faahfaahinaya ayaa sheegay in aanu ahayn Go;aan rasmi ahaan Xukuumaddu uga soo saartay qaddiyadaas, balse uu ahaa keliya Talo soo jeedin ku socotaย wasiirka daakhiliga oo xambaarsan, waxaana Suldaanku tilmaamay in Talo soo jeedintaas uu Suldaan Xiiray ka dhigay Goaan Xukuumadda kazoo baxay oo la dhaqan galinayo, sidaas darteed aanu goโaan annaga na khuseeya ahayn.
SOMALILANDPOST.NET
contact@somalilandpost.net