SOOMAALIYA: Madaxweynaha oo Waraaqihii Aqoonsiga ka Guddoomay Hindiya

0

 

Muqdisho(SLpost)-Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarrunta madaxtooyada waraaqihii aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Jamhuriyadda India wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya, HE. Ms Suchitra Durai.

Madaxweynaha ayaa u xaqiijiyey danjiraha cusub in dawladda Soomaaliya ay iskaashi buuxa iyo wadashaqeyn u fidin doonto inta ay ku guda jirto gudashada waajibaadkeeda, isagoo sidoo kale uga mahad celiyey dawladda India sida ay ay uga goโ€™an tahay xoojinta xidhiidhka labada dal.

Waxa uu sidoo kale madaxweynuhu soo dhaweeyay dhambaal ay danjire Durai ka sidday Raโ€™iisul Wasaaraha India, Narendra Modi oo ahaa in dawladdiisa ay Soomaaliya u soo direyso guddi qiimeyn ku sameeya dhinacyada ay labada dal iska kaashan karaan, sida iskaashiga dhaqaalaha, maalgashiga, dib u dhiska, amniga, waxbarashada iyo adeegyada kale ee arrimaha bulshada.

โ€œAad baan ula dhacsanahay xidhiidhka wanaagsan ee nagala dhexeeya India. Dhawaan markaan tegey New Delhi, waxaa uu raโ€™iisul wasaare Modi muujiyey sida uu u doonayo in labada dal ay u sameystaan xidhiidh iskaashi oo dhinacyo badan leh, kaas oo aan aaminsannahay inuu muhiim u yahay Soomaaliya oo u baahan dib u dhis iyo maalgashi. Waxaan haatan sameysmaya sharciyadii maalgashiga iyo iskaashiga dhaqaale, waxaana gacmo furan ku soo dhoweynayaa shirkadaha iyo ganacsatada India inay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliyaโ€™โ€™, ayuu yiri Madaxweynaha.

Danjire Suchitra Durai, ayaa iyana dhankeeda sheegtay in adeegyada ugu horeeya ee ay Soomaaliya ka caawin karaan ay ka mid tahay helista tamarka korontada, waxbarashada, iyo in labada dhinac ay isla daraaseeyaan dhinacyada ay iska kaashan karaan.

Waxay intaa ku dartey in labada dal ay haystaan fursaddo ay ku abuuri karaan iskaashi midha-dhal ah oo shacabka labada dal ay ka manaafacaadi karaan.
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Dr Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Mudane Mahad Maxamed Salaad, iyo masโ€™uuliyiin kale oo labada dhinac ka socotey