SOOMAALIYA: Madaxweynaha oo Ka Hadlay Weerarka lagu Riiqday ee Al-shabaab Ka Fulisay Hotel Saxafi

0

Muqdisho(SLpost) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cambaareeyay weerarka kooxda Al-shabaab ku qaaday hotelka Saxafi ee badhtamaha Muqdisho. Waxa uu sidoo kale tacsi u diray ehelada dadkoodu ku dhinteen weerarka, isagoo inta dhaawaca ahna caafimaad u rajeeyay. Weerarka waxaa ku naf waayay ugu yaraan 15 qof, halka ugu yaraan 28 kale ku dhaawacantay.

 

โ€œSubaxnimadii maanta Hotel Saxafi waxaa weerar ku qaadey Al-shabaab. Sida muuqata kooxda waxaa si weyn u saaran culeys, iyagoo laga saarayo goobihii ay dhuumaaleysiga ku joogeen, taasoo ka dhalatay hawlgallada millateri ee sida wanaagsan u qorsheysan iyo guulaha ay ka gaadheen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Sidaa awgeed Al-shabaab waa naf la caarid doonaya inay magaalooyinkeenna dhibaatooyin ka abuuraan,โ€ ayuu yidhi Xasan Sheekh.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi ย โ€œWaxaan idiin xaqiijinayaa in falalkan aanay ahayn mid ka dhigan in Al-shabaab ay dib madaxa ula soo kaceyso; balse cagsigeeda, waxaa falkani uu tilmaamaya sida xaaladda quusta ah oo soo wajahday kooxda Al-shabaab, taasoo maalinba tan kasii dambeysa u sii kordheysa. Waxaa xaqiiqo ah in kala qaybsanaani ay dhexdooda ka jirto. Ma aha kuwo war u haya waxay u taagan yihiin iyo cidda ay hoos yimaadaan, iyagoo maciin biday inay dilaan muslimiin aan waxba galabsan, doonayana inay kusoo baxaan bogagga hore ee wararka caalamka.โ€

 

Xasan Sheekh ayaa sheegaya in baadhis lagu samayn doono sidii weerarku u dhacay ย โ€œCiidamadeena amniga ayaa xaaladda si buuxda gacanta ugu haya. Waxaa xigi doona oo la sameyn doono baadhitaan qota-dheer oo lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen iyo sida loo sii horumarin karo sida ciidanka amniga ay uga jawaab celiyaan falalkan oo kale ah.โ€

 

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumiinta geeriyooday u duceeyay. โ€œWaxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannada fardowsa ka waraabiyo inta dhimatay ee Al-shabaab ay laayeen. Sida ugu wanaagsan ee dadkaan naga baxay aan ku xusi karnaa waxaa weeyaan inaan dib u cusbooneysiino, isla markaana aan kordhino dadaalka aan ugu jirno inaan ka hortagno xagjirka inaanay si khaldan ugu baahin diinta Islaamka, iyagoo ujeeddadoodu uu yahay inay dadka marin habaabiyaan, burbur iyo xasuuqna u geystaan shacabka. Qaabka aan arrintaan u wajahayno ayaa ah inaan si buuxda uga hortagno fikradaha khaldan ee la bedelay, isla markaana aan dib uga xoreyno meelaha ay ku hadhsan yihiin ee dalka Somalia.โ€

 

Waxa uu sidoo kale Xasan Sheekh Yidhi ย โ€œMuhimada koowaad ee dowladdeyda waa sare u qaadista kartida iyo awoodda adeegga amniga ee Soomaaliya, si aan meesha uga saarno kooxaha xagjirka, oo aanu u ilaalino danaheenna Qaran, xasiloonina aan u horseedno Somalia, inagoo dhowreyna qaranimadeenna.