Somaliland: Xukuumadda oo Siidh Waddani ah u Qaybinaysa Beeralayda Dalka

0

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland, ayaa diyaarisay Siidh gudaha dalka lagu beeray oo loo qaybinayo dadka beeralayda ah, maaddaama oo la guda-galay xilliga Guโ€™ga ee ay bilaabmayaan qodista Beeraha.

Qorshahan oo daba socda ballan-qaad ay hore u sameeyeen Wasaaradda Horumarinta beeraha oo meesha ka saaraysa in dalka laga beero Siidh dibadda laga keenay ama hay’aduhu ku caawiyaan beeralayda si aanu u min-guurin saraca dalku, ayaa toddobaadkii u dambeeyay laga shaqaynayey sidii loo diyaarin lahaa qoys walba inta Kiiloo ee loogu talo-galay.

Hawsha diyaarinta oo toddobaadkii u dambeeyay ka socotay xarunta wasaaradda beeraha ee deegaanka Abuuriin, ayaa Khamiista Maanta la soo gebo-gabeeyay, waxaana loo diyaar-garoobayaa sidii loo qaybin lahaa Siidhadhkaasi oo isugu jira noocyada Hadhuudhka iyo Galayda.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in Qoys walba oo Beerlay ah la siin doonaa 13-Kg oo Hadhuudh ah iyo 8-Kg oo Galey ah, iyadoo Siidhkani yahay mid waddani ah oo gudaha dalka lagu farsameeyey.

Agaasimaha waaxda cilmi-baadhista ee wasaaradda beeraha Somaliland, Cali Cabdillaahi Ibraahim oo gacanta ku haya hawsha diyaarinta Siidhka ayaa warbixin kooban ka bixiyay halka ay wax u marayaan.

โ€œHawshani waxay daba socotaa ballanqaadkii wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha ee ahaa in wakhtiga Guโ€™ga beeraleyda lagu caawiyo Shini tayo leh oo waddani ah,” ayuu yidhi Agaasimuhu, isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas raaciyay, โ€œWaxaanu diyaarinay Shini isugu jirta Galey iyo Hadhuudh, iyada oo qofkiiba la siinayo 13-kilo garaam oo hadhuudh ah iyo 8-killo garaam oo Galley ah.ย Waxaana loo qoondeeyey in la gaadhsiiyo gobollada Maroodi-jeex, Sanaag iyo Buuhoodle, waana Shinni Waddani ah oo caafimaad qabta, waxaana laga maalgeliyey Cashuurta dalka.โ€ Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Waaxda cilmi-baadhista ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net