“Somaliland waxay haysaa dariiqii ay ku heli lahayd Aqoonsi Caalami ah” – World Governments Summit 2025

0

“Somaliland oo ah Dimuqraadiyad ka jirta Bariga Afrika oo halbowle u ah ganacsiga, Qaran haysta cilaaqaad xooggan oo caalami ah, waxay haysaa dariiqii ay ku heli lahayd Aqoonsi Caalami ah”.

 

Shirweynaha 25aad ee Dowladaha Caalamka, ayaa saaka ka furmay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, waxaana hadal ka jeediyey madaxweynaha Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo khudbad dhinacyo kala duwan xambaarsan ka jeediyey.

Madaxweyne Cirro waxa uu ka warbixiyey muhiimadda dekedda Berbera u leedahay gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas, nidaamka dimuqraadiyadda ka tisqaadday Somaliland iyo qadiyadda Aqoonsi raadinta.

Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta gaarka ah ee shirweynaha World Governments Trade oo si toos u ah baahinaysay munaasibadda, ayaa tilmaamay muhiimadda Somaliland u leedahay gobolka iyo dedaallada ay ugu jirto horumarka iyo ka-midho-dhalinta qadiyaddeeda.

Shirweynaha WGS2025 oo soo xiganaya hadalka madaxweynaha, ayaa Qoray: “Somaliland oo ah Dimuqraadiyad ka jirta Bariga Afrika oo halbowle u ah ganacsiga, Qaran haysta cilaaqaad xooggan oo caalami ah, waxay haysaa dariiqii ay ku heli lahayd Aqoonsi Caalami ah”.

Shirka Dowladaha Caalamka oo maamulkiisu hoostago hayโ€™ad madax-bannaan oo caalami ah, ayaa ujeeddadiisu tahay sidii loo qaabayn lahaa hannaanka maamul ee dowladaha Caalamka, iyadoo diiradda la saarayo ikhtiraaca hal-abuurro cusub iyo tiknoolajiyadda si xal loogu helo caqabadaha Caalamka ka jira.

Ajandaha diiradda lagu saarayo Shirweynaha Sannadkan 2025 ayaa hal-ku-dheg looga dhigay โ€œQaabaynta Hannaanka Dowladnimo ee Mustaqbalkaโ€ kaas oo qayb ka ah dedaallo lagu dhiirrigelinayo koboca iskaashiga Caalamka si loo yagleelo afkaar cusub oo xal loogu raadinayo caqabadaha mustaqbalka ku iman kara hannaanka maamulka iyo dowladnimada.