Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Hawlaha GuudΒ iyo GuriyeyntaΒ SomalilandΒ Md Cabdirashiid Ducaale Qanbi, ayaa maanta ka badbaaday Shil baabuur, kaddib markii gaadhigiisu kula dhacayΒ deegaanka Balli-mataan oo ku yaalla Koonfurta Caasimadda Hargeysa.
Wasiir Cabdirashiid Ducaale oo ay weheliyaan saddex qof oo gaadhiga la saarnaa, ayaa dhammaantood ka bad-qaba shilkaas, haseyeeshee waxa burbur soo gaadhay gaadhiga Wasiirka.
Wasiirka iyo xubnaha la socday ayaa la sheegay inay ka yimaaddeen dhinaca degmada Oodweyne ee gobolka Daad-madheedh, waxaanay ku sii socdeen dhinaca degmada Balligubadle ee xarunta gobolka Hawd.
FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKAN
https://www.youtube.com/watch?v=as8JtPzZTzg