Hargeysa/Berbera (SLpost)- Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ooย ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland u dhashay ee aaminsanaa mabdaโa Somaliweyn, 22-kii sanno ee Somaliland jirtayna si weyn uga soo horjeeday Qadiyadda Shacabka Somaliland, ayaa Maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa.
Prof Axmed Ismaaciil Samatar ooย gelinkii dambe ka soo degay garoonka diyaaradaah ee Berbera ka hor intii aanu Hargeysa u soo raacin diyaarad kale, waxa magaalada Berbera ku qaabiley Masuuliyiin ka tirsan Dawladda, Maamulka gobolka iyo degmada iyo Dadweyne badan.
Shir-guddoonka Golaha Wakiilada,Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirrada,Madax dhaqameedyo iyo dadweyneย aad u tiro badan ayaa shalay siwayn ugu soo dhaweeyay Madaarada Magaalada Berberaย iyo Madaarka Magaaladda Hargeysa,
Prof Samatar ayaa markii ka soo degay garoonka ee uu dhammaystay salaanta dadkii ku qaabiley garoonka, waxa uu sameeyey ficil ka fejeciyey dadkii soo dhawaynayey, kadib markii inta ย Jilbo joogsaday uu dhunkaday Ciidda Dhulkiisa uu ka maqnaa muddo ka badan 22 sanno.
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa markii uu ka soo degay madaarka caasimadda, waxa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo ujeeddada socdaalkiisa isaga oo ka jawaabay suโaalo warbaahintu weydiisay.
Prof Samatar waxa uu u mahad-naqay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu sheegay inuu Marti qaadka imaatinkiisa ku aaddan u fidiyey.
ย โSomaliland waa dalkaygii, waana dhiigaygii, wax badan ayay qabsadeen lamana dafiri karo, cid walbana inay u soo istaagto ayay ku khasban tahay. markaa waxa aan la dafirikarin siday dalkooda uga shaqeyeen, waana waddankii hooyaday ee waalidkay ku aasanaa,โayuu yidhi Prof. Axmed Ismaaciil Samatar.
Prof. Samatar waxa kale oo kaga dhawaajiyey socdaal uu ku mari doono gobollada dalka, waxaanu yidhi, โSaylac iyo ilaa Ceerigaabo ayaan marayaa oo dadka ayaan wareysanayaa, aniguna war badan baan sidaa. Markaan xogta dadka ka urursado ee aan xukuumadda, odayaasha, dhalinyarada iyo bulshada Somaliland la kulmo ayaan si rasmi ah u hadlayaa.โ
DAAWO MUUQAAL
Prof Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa 20kii sanno ee u dambeeyey ka soo horjeeday qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland isaga oo aaminsanaa Mabdaโa Somaliweyn, haseyeeshee waxa uu mabdaโiisaas ka soo dabcay ka dib markii uu ku guul-darraystay madaxweynimada Somaliya oo uu sannadkii hore u tartamay, waxaanu markii dambe ka mid noqday Baarlamanka dalkaas, haseyeeshee bishii hore horaanteedii ayuu shaaciyey inuu iska casilay xubinimada Baarlamanka Soomaaliya, ka dib markii uu saluugay qaabka Saami-qaybsiga ee lagu dhisay Dawladda Soomaaliya iyo miisaanka Beelaha Soomaalidu ku leeyihiin Dalkaas.
SOMALILANDPOST.NET