Gorfeynta Raad-reebka Doorashada Kaddib, Kaftan Hufan, Adkaanta Maamuuska Milgaha Qarannimo,Tusmeynta Daraasaad Caafimaad, Hirgalinta Sarreyn Dastuur Iyo Korreyn Sharci.
Ugu horreyn, si kooban haddaan idinla wadaago gorfeyn diiraadda saaraysa dhacdooyinka soo if-baxa Doorashada kaddib “Post Election”. Kuwaasi oo iskugu jira qaar taban iyo kuwo togan oo kor u qaadaya Adhaxda Dawladnimo, Dhuuxa Qarannimo Iyo Kartida Bulsho ahaaneed. Kuwaasi oo kala ah:
1. XAALADDA TARTAMEYAASHA: Daal “Tiredness”; Dareen Cabsiyeed “Anxiety” Iyo Walaac “Depression”:
Doorashada Kaddib, Tartanlayda/Murrashaxiinta, waxa ku yimaadda ama dhaca xaaladdo caafimaad iyo nafsi ahaaneed oo kala ah:
โชWaxa Tartamaha ama urrashaxa natiijo sugaha ah ku timaadda xaaladdo ay ka mid yihiin cabsi “Anxiety”, daal “Tiredness” iyo walaac “Depression”. Iyada oo xaaladdaha Cabsida, Daalka iyo walaaca ku dhaca Doorashada Kaddib tartanlayda xil-doon ahayd . Waxa sal-dhig u noqon kara dareemidda kakannaan rejo oo ku aaddan mustaqbalka dhaw iyo walaaca natoijada taagan timaadda ah.
โชWaxa lagu arkaa tartameyaasha Doorashada kaddib, xaaladda degenaan la’aanta ah oo Afka caafimaadka lagu yidhaa “Post Election Stress Disorder”.
โชXaaladdaha caafimaad ama nafsadeed ee ku dhaca tartameyaasha natiijo sugayaasha ah ayaa la soo shaac-baxa ama soo bandhigga madax xannuun joogto ah, walaac iyo cabsi nadan.
โชSababaha dhaliya xaaladdaha caafimaad ama nafsadeed ee Murrashaxiinta sugaya ku dhawaaqista natiijada Doorashada, waxa ugu waaweyn Qulqulkii dareennada Feejignaanta hawl-socodsiinta, geeddi-socodka ololaha doorashada, daalkii hawlgalka, kacsannaanta nafsadeed ee sarreynta rejada guusha, helitaanka taageerayaal laf-dhabar ah iyo walaaca guul-darrada.
2. DAAL BULSHO:
โชSida lagu caddeyey daraasad caafimaad oo lagu daabacay bogga/barta Myoclinic ayaa si cad u qeexday in doorashada kaddib bulshada caadiga ahi dareento xaalad daal ah. Taasi oo ay sabab u tahay xafiltankii taranka ololaha Dooraahada, coddeyntii, kala jecleysigii murrashaxiinta, kala raacsitii xisbiyada iyo murrashaxiinta kala geddisan.
โชSidoo kale, sahamin caafimaad oo lagu sameeyey dadka Maraykanka ayaa lagu daah-qaaday in 68% doorashada kaddib dadka reer Maraykan ay dareemaan daal iyo walaac badan. Xogtan oo diiradda fogaan-aragga saaraysa dhacdooyinkii xaalad caafimaad ee lagu arkay dadweynaha Maraykanka kaddib doorashooyinkii dalkaasi ka qabsoomay intii u dhaxaysay 2016-2020 ayaa waxa sheegay ururka American Psycholigical Association.
3. HELITAANKA METELAAD IYO DHIIG CUSUB:
Doorasho kaddib, waxyaabaha laga dheefo ee dalka iyo dadkuba ka faaiidaan, waxa ka mid ah:
โชDoorashada kaddib, waxa jirta filasho waafi ah oo ku saabsan in bulshadu hesho metelayaal “Representatives” daneed iyo kuwo siyaasadeed. Kuwaasi oo dhiig cusub u noqon kara horu-socodka iyo geeddiga ummadnimo ee dalka. Waana hirgalka sunnaha dawladnimo iyo gaadh hayaha hannaanka talo wadaagga “DemocracySystem” qaranka.
โชDoorasho kaddib, waxa la fuliyaa dardargalin shaqo iyo siyaasadeed oo dhiig iyo dheecaan nololeed u noqxa dhidbannaanta nidaamka dawladnimada, raandhiiska hirgalka dimuqraadiyadda iyo ka qayb-galka siyaasadda ee dhallinyarada, aqoonyahanka, haweenka, dadka nugul iyo dadka laga tirada badan yahay.
4. MAGAC, MAAMUS IYO QARANNIMO:
Doorasho kaddib, waxyaabaha qaranku ka dheefayo/ ka faaiidayo, waxa ka mid ah:
โชFulinta iyo u hoggaansannaanta korreynta sharxiga iyo Sarreynta Dastuurka oo bulshada siinaya sugnaansho sharci/xeer, lahaanshaha xaqa doorasho iyo ka qayb-galka siyaasadda dalka.
โชJoogteynta kaltan doorashada dalka, ilaalinta hirgalka nidaamka dimuqraadiyadda iyo Ka Shaqeysiinta hannaanka talo wadaagga qaranka “Democratic country functioning”.
โชXaqiijinta xaqa sharci ee muwaaddinniinta, xulashada kaadirrada metelaya danaha shacabka iyo dhawrsannaanta nidaamka dawladnimo ee ka dhasha dadweynaha.
โชHelitaanka isla jaan-qaad siyaasadeed iyo wada shaqyn Hay’addo Dawladeed oo sii xoojiya hannaanka isla xisaabtanka bulsho “Social Accountability” iyo nidaamka maamul wanaagga ” Good Governance”.
โชHelitaanka summad/astaan Daqladnimo ku dhisan talo wadaag “Democracy”, nabad-gelyo, is beddello hoggaamineed oo sharci ama Dastuuri ah, karti iyo isku tashi dawladnimo karaamadeeda dadku leeyahay.
โชkoboc dhaqaale iyo dheef wadaag bulsho, waarinta samaha Qaranka, adkeynta midnimada ummadda, joogteynta is beddellada tolmoonn ee dhinaca hoggaaminta iyo difaacista isla ogolka ah ee magac-samaanta dalka.
5. HIRGALIN DAWLADNIMO & KU DHAQAN SHARCI:
โชXukuummadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse biixi cabdi, waxay hirgalisay sugnaanshaha sharci iyo Dastuurnimo “Constitutionalism” ee ku cad qodobada 9 aad iyo 22 aad ee Dastuurka JSL
โชWaxay si buuxda u hirgalisay Waajibaad sharci iyo jideyn Dastuur oo ku qotonta lahaanshaha xuquuq muwaaddinnimo. Tusaale ahaan Xuquuqda siyaaseed, Dhaqaale, Bulsho iyo xaqa Doorashada ee muwaaddinniinta reer Somaliland.
โชWaajibnimada hirgalinta xuquuqda siyaaseed, Dhaqaale, Bulsho iyo xaqa Doorashada ee muwaaddinniinta reer Somaliland ayaa tusaale iyo tusmeyn wanaagsan u ah daah-qaadka hirgalka ku dhaqanka sharci ee Qaranka JSL. Iyada oo xogta qodobka 22 aad ee Dastuurka JSL oo u qoran tahay sidan:
I. Muwaadin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb galo hawlaha siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo hiddaha si waafaqsan xeerarka iyo Dastuurka,
II. Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo wuxuu xaq u leeyahay in la doorto, waxna doorto”.
โชWaxa la hirgaliyey waajibaad kale oo Dastuuri ah, waana hirgalinta nidaamka siyaasadeed, Dawladnimo iyo dalnimo ee tiir-dhaxaadka u ah hannaanka Dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale, waxa la fuliyey dhidbannaanta nabad-gelyada dalka, adkeynta hannaanka talo wadaagga, iyo sunnaha Xisbinimada. Iyada oo ku qotonta fulinta waajibaadka Qodobka 9aad ee Dastuurka JSL, faqraddiisa 1aad oo u dhigan sidan “Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhigbu ah nabad,talo wadaag, dimuqraadiyad, iyo hannaanka xisbiyada badan”.
Ugu danbeyntii, waxaan aaminsan nahay in hirgalka kaltan doorashadii shalay 31 May 2021 inoo qabsoontay ay bulsho ahaan, iyo qaran ahaanba aan ka dheefsan doonno magac, maamuus iyo qarannimo sarreysa oo kor u qaadaysa samaha, badhaadhaha, barwaaqada iyo milgaha wadaagga qarannimo ee dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland.
Saaxiib, maxay kula tahay?
=DHAMMAAD=
Jamal A. Muse
DG of MoPWL&H Somaliland.