Guddiga heer Qaran ee Madaxweynaha Somaliland u xil-saaray nabadeynta Gobollada Bariga, ayaa maanta socdaal shaqo ugu baxay magaalada Jigjiga ee xarunta DDS.
Garaad Kulmiye Garaad Wiil-walaal iyo madax-dhaqameed kale ayaa weftiga kaga hor yimi magaalo-xuduudeedka Wajaale dhinaca Ethiopia.
Socdaalka weftiga ee Jigjiga ayaa qayb ka ah Maxaabiis tiradooda lagu sheegay 11 Qof oo lagu soo Qabtay dagaaladii Laascaanood, kuwaas oo xukuumaddu sii daysay kuna wareejinayso Guddiga is-xil-qaantay ee uu hoggaaminayo Garaad Kulmiye Garaad Wiilwaal.
Garaad Kulmiye Garaad Wiilwaal iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal ku yimi magaalada Hargeysa bishii January ee sannadkan, ayaa xilligaas ku dhawaaqay inay ka shaqaynayo sidii uu nabad uga dhex-dhalin lahaa Beelaha Bariga Sool iyo Xukuumadda Somaliland isla markaana loo sii deyn lahaa maxaabiista labada.
Garaad Kulmiye Garaad Wiilwaal ayaa sidan oo kale bishii December 2024-kii socdaal qayb ka ah dedaalladiisa nabaddeynta ku tagay magaalada Laascaanood, halkaas oo kula kulmay madax-dhaqameedka iyo bulshada deegaankaas.
Guddiga Nabadda ee Somaliland oo ay xubno ka yihiin Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde, Xasan Maxamed Embassy, Shucayb Maxamed Muuse, Jaamac Axmed Maxamed, Maxamed Jaamac Abgaal, Maxamed Iid Dhimbiil iyo Cali Siciid Raygal, waxa dhinaca Ethiopia ku qaabilay Guddiga Nabadda ee Garaad Kulmiye Garaad Wiilwaal oo ay xubno ka yihiin, Sheekh Muxiyadiin Sheekh Maxamed Muuse, Suldaan Foosi Maxamed Cali, Sudaan Cabdinaasir Maxamed Aadam, Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cali Nuur iyo Suldaan Sheekh Aadan Ismaaciil Muxumed.
Maxaabiista Somaliland maanta sii daysay, ayaa sida xogaha laga helay tibaaxayaan dhalasho ahaan ka soo jeeda maamul-goboleedka Puntland oo qayb laxaad leh ku lahaa dagaalkii Kooxaha Huwantu kula galeen Ciidanka Qaranka Somaliland magaalada Laascaanood.
Laba Toddobaad ka hor waxa magaalada Laasaanood laga sii daayey 25 Maxbuus oo lagu sheegay in laga qabtay dhinaca dowladda Somaliland, kuwaas oo loo qaaday magaalada Muqdisho kaddib socdaalkii Ra’iisal-wasaaraha Somalia ku yimi Laascaanood 12-kii bishan April.
Maxaabiista oo isugu jira Askar ka tirsan Ciidanka Qaranka iyo Dad shacab ah oo laga qabtay deegaannada ku teedsan bariga Somaliland, ayaa laba toddobaad kaddib soo gaadhay magaalada Hargeysa 26-kii Bishan April.