Madaxweynaha Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda Guddiga Caalamiga ah Laan-qeyrta Cas (ICRC)
Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley wefti ballaadhan oo ka socday Guddiga Caalamiga ahย Laanqeyrta Cas (ICRC)ย oo uu hoggaaminayey Madaxa Guddida Mr. Simon Brooks.
Sida lagu sheegay war-qoraal kooban oo madaxtooyadu ka baahisay kulanka maanta, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xubnaha weftiga warbixin ka siiyey xaaladda guud ee dalka, ka dibna waxaย ย laga wada hadlay qodobbo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo ICRC, isla markaana ay xafiis uga furan lahayd Somaliland.
Sida oo kale, waxa war-qoraalka lagu sheegay in kulanka lagaga wada-hadlay arrinta maxaabiistiiย Soomaaliya ee dagaalka Tuka- raq ay Somaliland ku qab-qabatay, oo ay Somaliland ku ammaaneen siday ula dhaqantay maxaabiistaasi dagaalka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa xabbad joojinta dagaalka Somaliland iyo Soomaaliya ku dhexmaray deegaanka Tuka-raq ee gudaha Somaliland.
Waxaanu Madaxweynuhu xubnaha weftiga u sheegay in ay Jamhuuriyadda Somaliland, marwalba maxaabiista si wacan ula dhaqanto, tahayna mid waajib islaamiya iyo mid dhaqanka Somaliland ah, marnabana aanay suurto gelayn in siย ย xun loola dhaqmo maxaabiista dagaalka, iyadoo taa ka duulaysana Somaliland ay u ogolaatay ehellada maxaabiistaasi inay booqan karaan una yimaadaan.
Dhinaca kale Madaxweynuhu mar uu ka jawaabayey qodob ay ka hadleen weftigu oo ahaa in xabad joojin laga sameeyo Tuka-raq, waxa uu u sheegay in Hadalka ka soo yeedhay Farmaajo ee xabbad joojintu uu yahay tallaabo hore loo qaaday, kana mid ahaa qodobadii Qaramada Midoobay iyo beesha Caalamkuba ay soo jeediyeen in la fuliyo, Somaliland-na dhinaceeda beesha caalamka ay hore uga aqbashay.