Hargeysa (SLpost)- Bandhig caalami ah oo lagu soo bandhigo Dhaqanka Islaamka, ayaa Jimcihii shalay ka furmay magaalada Taipei ee caasimadda dalka Taiwan.
Bandhiggan oo ujeeddadiisu tahay sidii Shacabka Taiwan faham wanaagsan uga qaadan lahaayeen Dhaqan iyo Caadooyinka dunida Islaamka, isla markaana ay ka qayb-galayaan waddamada Islaamka, waxaana lagu marti-qaaday oo goob-joog ka ahaa Danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Taiwan Ambassador Maxamed Xaaji oo furitaanka bandhigga ka qayb-galay.
Waddanka Taiwan, ayaa lagu tilmaamay inuu yahay dalka Saddexaad ugu horreeya xagga soo-dhaweynta iyo wada-noolaan shiyaha Muslimiinta iyo Bulshooyinka kale.
Bandhigga ayaa socon doona inta u dhaxaysa 9-ka April ilaa 18-ka April, waxa shacabka reer Taiwan la bari doonaa dhaqanka iyo taariikhda Islaamka, iyada oo bandhigga xoogga la saari doona maalmaha hore ee bisha Barakaysan ee Ramadan oo la filayo inay bilaabanto Salaasada ama Arbacada toddobaadkan.
“Maadaama bisha Barakeysan ee Ramadaan ay soo dhow dahay oo maalmo kooban ka hadhsan yihiin, waxa aan aad ugu faraxsanahay inaan ka qeyb-galo Bandhigga Dhaqanka Islaamka ee ka furmay Taipei,” sidaa waxa boggiisa Twitter ku soo qoray Danjire Maxamed Xaaji.
As the Holy month of Ramadan is getting closer, and only few days left; I am very much delighted to participate the Islamic Cultural Exhibition in Taipei.
According to Global Muslim Travel Index Taiwan is the 3rd most attractive Muslim-Friendly destination in the world. Bravo! pic.twitter.com/vIXXWUI8g2
โ Amb Mohamed Hagi (@AmbMohamedHagi) April 10, 2021
Sida laga soo xigtay xogo ay baahisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Taiwan, waxa jira ku dhowaad 250,000 Muslimiin ah oo ku nool dalkaas, kuwaas oo 50,000 ka mid ah ay u dhasheen dalka Taiwan halka 200,000 ay yihiin dad ajaanib ah oo deggen.
Waxa Bandhiggan qayb ka ah waddamada Islaamka ee ay ugu horreeyaan Sucuudiga Urdun, Turkey, Cumaan, Bahrain, Kuweyt, Imaaraadka Carabta, Nigeria, Indonesia, Malaysia iyo Brunei.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpostnet