Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan iyo bahda saxaafada ee ku hawlanย siday cidkasta oo somaliland ahย u soo gaadhsiin lahaayeen dhacdooyinkii u dambeeyay ee dalka ka socday saacad saacad, iyo sikin sikinba . iyagoon ahayn dad faaido doona laakin u shaqayeeya si volunteer ah ama bilaasha .
Somaliland waa wadan ka mida wadamada ugu nabada badan adduunka, waana wadan ku dhex yaala qaarad holcaysaย jaarna ay yihiinย wadamo aanay nabadoodu wanaagsanayd sida Somalia iyo putland .
Somaliland waxay caalamku u aqoonsadeen inay tahay wadamada kaliya ee maanta nabad lagu sheegi karo. Caalamkuna uu ogaaday in somaliland ay tahay wadan nabadiisu tahay lama taabtaan. Cidkasta oo nabadiisa ka hor timaadana ay gacan bira ku qabtaan. Hadaba maxaa sababay in somaliland ka mid noqoto wadamada ugu nabada wanaagsan caalamka.
Waxa nabada somaliland suuro galiyay inayย jirto mudo dhan 22 sanoย dhamaaan bulshada reer somaliland oo ay ka mid yihiinn.
- Bulshada rayidka ah
- Dawlada
- Ciidamada kala duwan
- Iyo dawladaha caalamka oo mar mar taageeroย nabadeed siiya.
Hadaba waxa maalmahan soo badanayay hadal haynta bulshada caalamku ay hadal hayaan somaliland iyagoo tusaale u soo qaadanaya nabada ay haystaan iyo sida ay yihiin wadamada u dhaw taasina waxay mujisay in somaliland noqoto wadamada caalamka ugu nabada macaan.
ย Runtii nabadu waa geed la hoos hadhsado. Horumarkuna wuxuu muuqdaa marka la haysto nabad lagu seexan karo. Somaliland waa wadan dadkiisu ay aad u jecel yihiin kuwaas oo caan ku noqday ilaalinta nabada iyo ka hortaga cidkasta oo nabada wax yeelaysa. Dadka somaliland ayaa la ogaaday inay yihiin Dad xaga nabada ka dhisan oo qofkastaaba og yahay qiimaha ay nabadu u leedahay cidkasta oo dunida joogta.
Sidaa awgeed dadkeenu waa dad ilaahay haybad u siiyay ilaalinta nabada.
Caalamkuna wuxuu maanta isla qaatay haddii aan la badbaadin nabada ay somaliland ay haysato in ย fursadaas ay masuul ka yihiin maxaa yeelay waxa caalamka maanta ku soo badanayaย ururo kala duwan kuwaas oo walaac badan qaadsiiyay nabadii caalamka ka jirtay.
Caalamkuna maanta wuxuu diyaarย u noqday badbaadinta dawlada somaliland ee dhinac walba taasna waxa ay iman doontaa sanada soo socda laakin imika waxaa la fahmay haddii somaliland la citiraafi waayo in dhib badan ka soo gaadhi karto caalamka idil ahaantiiba.
Hadaba ummada reer somaliland waxa looga baahan yahay in ay sii laban laaban nabada kuna daraan horumar markaana uu caalamku ka yaabi doono.
Oo waxwalba ย waxa ka wanaagsan inaad isu filnaato oo aanad cidnaba waxba uga baahan.
Bulshada somalilandna waxaan leeyay dalkiina maalgashada oo qofkastaa kaalin muhiima ha ka galo dhinaca dhaqaalaha iyo maalgashigaba.
Qofkastana waxa looga baahan yahay inuu dadkiisa iyo dalkiisaba daacad u noqdo dalkiisana uu aamino qofkastaana wuxuu sharraf ku leeyahay waa dalkiisa.
Somaliland waxay noqotay dawlada lagala ย tashado arimaha nabada iyo ilaalinta xasiloonida .waxaad wax badan ku arki doontaa war baahinta caalamka oo qaadaa dhigaysa somaliland iyo qadiyadeeda,
Somaliland maanta waxa taagan tay halkii ugu wanaagsanayd marka laga reebo shaqo la,aanta taasna waxa sabab u ah cidkasta oo gacanta ku haysa miisaaniyada dalka.
Somaliland iyo maamulkeedu waxay caan ku noqdeen siyaabo badan oo nabada loo adkeeyo kuwaas oo imika caalamku ogaaday, caalamkuna xiisaynayo inay isticmaalaan farsamooyinka nabada loo ilaaliyo.
Hadaba hadaynu nabada ku darno in horumara waxaynu noqonaynaa wadamada ugu wanaagsan ย caalamka.
Maxaa yeelay maanta dalka waxa ka buuxa macdan iyo qayraad kuwaas oo uย baahan farsamadeeda iyo aqoonteedaba.
ย Waxaan hadalkayga ku soo gabagabaynayaa somaliland waa sanadkeedii waana sanadkii guusha, cidkasta oo dawlada iyo shacabka ka midana waxa looga baahan yahay dulqaad maxaa yeelay waxaynu ku jirnaa tijaabo markaa yaan loo bixin go,aankeenu waa mid kaas oo ah GOONI ISU TAAGA SOMALILAND WAA MUQADAS.
N.B
Nabad haddii loo geeyo horumar waa barwaaqo la gaadhay
ย Nabada ayaa ku gaadhsiisa jidka horumarka
Nabada ayaa keenta is fahanka bulshada
Nabada ayaa sababta nolosha macaan.
Farhan Mohamed Hassan (Rakad)
ย Email: farxaanmxd@gmail.comย
TELL: 063–4400319
ย Hargeisa
Social activist
Thank you all
Post number:ย RP29