Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul u cambaaraysay goโaan kasoo baxay Hayโadda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Carruurta ee UNICEF Xafiiskeeda ka hawlgala Hargeysa.

Goโaanka Hayโada UNICEF oo la xidhiidha gaadhsiinta gargaarka bariga gobolka Sanaag oo ay u wareejisay hayโadu Xafiiska Garoowe, kaasoo Xukuumadda Somaliland ay ku tilmaantay mid aanay marnaba aqbalayn. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo shalay isaga wefti uu hogaaminayaa ay u duuleen dalka Imaaraadka Carabta, kaasoo ay ugu kicitimeen socdaalka, ka hor intii aanu madaarka ka dhoofin warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee madaarka ayaa sheegay in goโaanka hayโada UNICEF aanu ahayn mid ay ogolaanayaan, isla markaana waxa uu ku wargeliyay hayโaddaas inay ka fiirsato goโaankeeda.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo arrintaas ka hadlayaana waxa uu yidhi;ย โWarqad kasoo baxday xafiiska Hargeysa ee Hayโada UNICEF, waxay tilmaamaysay in qaybta bari ee Gobolka Sanaag ee Somaliland oo u baahan gargaar degdeg ah in aan xafiiska UNICEF ee magaalada Hargeysa aanu tagi karayn. Sidaa darteed ay ku taliyeen in xafiiska UNICEF ee Maamul Gobolleedka Puntland ee Garoowe ku yaallaa uu la shaqeeyo bariga Sanaag oo wixii ay u baahan yihiin halkaa looga keeno.โ
โArrintaas waxaanu u aragnaa arrin khaldan, arrin aanay dawlada Somaliland ogolaanayn, bariga Sanaag wuxuu ka mid yahay Somaliland.โ ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibaddu, waxaanu intaa ku daray isagoo ka hadlaya qaabka ay u shaqeeyaan Hayโadaha kale ee ka hawlgala Somaliland. โHayโadaha gargaarka ee aanu la shaqaynaana hadiyo jeer xafiisyadooda Hargeysa ka dhisan ayaa gargaarka looga qaadaa, arrintaas UNICEF mid aanu ogolaanayno maaha, mid aanu aqbali karnana maaha, waxaanu hayโadaas ku wargelinaynaa inay arrintaas dib uga fiirsadaan.โ Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo shalay Warbaahinta ugu warramay Madaarka Hargeysa, ka hor intii aanu u duulin Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo ay shalay u kicitimeen isaga iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Somalilandpost.net
Hargeysa News Desk
somalilandpost08@gmail.com
somalilandpost@yahoo.com