Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa caddaysay mawqifkeeda ku wajahan kaalinta ay ka qaadanayso gurmadka loogu jiro shacbiga abaaruhu halakeeyeen ee waddanka Soomaaliya ee aynu dariska nahay.
War-murtiyeed ka soo baxay kulankii maanta ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu guddoominayay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa lagu sheegay qodobbo dhawr ah oo khuseeya kaalinta Somaliland ee ka qayb-qaadashada gurmada abaaraha Soomaaliya.
Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Somaliland oo lagu sookoobay nuxurka war-murtiyeedka shirka Golaha Wasiirrada ka soo baxay ayaa isaga oo dhammaystiran u dhignaa sidan:
โFadhigii Caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada JSL, oo uu gudoominaayeyย Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dood dheer ka dibย ย lagu goโaamiyey:-
1.ย ย ย ย ย ย ย ย ย In ay Somaliland diyaar u tahay Gurmadka Caalamiga ah ee loo fidinayo dadka ay bara kiciyeen abbaaruhu ee mandaqada geeska Africa siiba Soomaaliya.
2.ย ย ย ย ย ย Sidoo kale Waxa la magaacay Guddi Heer Qaran ah oo ka soo tala bixinaysaย ย kaalinta Gurmadka ee Somaliland, iyo sidii Qaadhaan loogu heli lahaa dadka ku tabaalaysan soomaaliya.
3.ย ย ย ย ย ย Iyo In Cidallaale cidii taakulo u sida Dadka ku macaluullaya soomaaliya loo fasaxay Dekeda Berbera isticmaalkeeda loona soo marin karo Dadkaa Macaluushu saamaysay iyo in ay Somaliland uga sii gudbin karaan Cuntada ay u sidaan Soomaaliya.
Xubnaha Guddida oo Dhan 7 Xubnood waxa ay kala yihiin sidan :-
1.ย ย ย ย ย ย ย ย ย Wasiirka Wasaaradda Maaliyada,ย Eng. Maxamed Xaashi Cilmi
2.ย ย ย ย ย ย Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga,ย Mudane, Axmed X. Cali Cadami
3.ย ย ย ย ย ย Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Cabdirisaaq Khaliif Axmed
4.ย ย ย ย ย ย Wasiirka Wasaaradda Diinta & Awqaafta, Sh. Khaliif Cabdilaahi Axmed
5.ย ย ย ย ย ย Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debeda , Dr. Mrashiid Sh. Xasan
6.ย ย ย ย ย ย Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Nimco Xuseen Qawdhan
7.ย ย ย ย ย ย ย Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryeynta. Cali Cabdi Saayiqโ
ย ALLAAย ย ย ย ย ย MAHADย ย ย ย ย ย ย ย LEH
ย Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.