Somaliland oo Bogaadisay Mr Parfait Onanga oo loo magacaabay Ergayga Gaarka ah ee QM u Qaabilsan Midowga Afrika

0

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa ku bogaadisay xilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u magacaabay Mr Parfait Onanga-Anyanga oo ilaa 2019-kii hayay xilka Ergayga gaarka ah ee Xogaha Guud u qaabilsan Arrimaha Geeska Afrika.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa wareegto uu Salaasadii shalay soo saaray waxa uu Wakiilkiisa gaar ah ee u qaabilsan Ururka Midowga Afrika, ahna madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ku leedahay Midowga Afrika (UNOAU) u magacaabay Parfait Onanga oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Waddanka Gabon ee ku yaalla Badhtamaha Qaaradda Afrika.

Parfait Onanga-Anyanga oo 25-kii sanno ee u dambeeyey shaqooyin kala duwan ka soo qabtay Qaramada Midoobay, ayaa beddeli doona haweenay lagu magacaabo Hanna Serwaa Tetteh oo u dhalatay dalka Ghana isla markaana xilkaas haysay ilaa sannadkii 2018-kii. Mrs Hanna Serwaa Tetteh, ayay isbeddeleen sarkaalkan fadhigiisu noqon doona magaalada Addis Ababa, waxaana loo magacaabay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada u Qaabilsan Arrimaha Afrika.

Qoraal kooban oo lagu baahiyey barta Twitter-ka ee wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa wasaaraddu sarkaalkan ku bogaadisay xilka cusub ee loo magacaabay.

โ€œJamhuuriyadda Somaliland waxa ay bogaadin u diraysaa Mr. Parfait Onanga, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Midowga Afrika, ahna Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Midowga Afrika, oo uu magacaabay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.,โ€ Sidaas ayaa lagu yidhi qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Mr Parfait Onanga ayaa hore u soo noqday Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Dalalka Burundi iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, waxaana lagu tilmaamaa khabiir waayo-aragnimo durugsan ka kasbaday xalinta khilaafaadka iyo hawl-gallada nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay muddadii uu ka hawl-galayey labadaas waddan oo dagaalo sokeeye regaadiyeen xilligaas.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net