Somaliland oo 25-sanno Ka dib Dalkeeda ka hirgelinaysa Adeegga Boosaha iyo Wakhtiga loo muddeeyey in la hawl-galiyo

0

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa shaaca ka qaadday inay dhowaan dalka ka hirgelinayso addeegga Boosaha oo 25-kii sanno ee ugu dambeeyey aan waddanka laga isticmaalin tan wakhtigii ay bur burtay dawladdii Maxamed Siyaad Barre, wakhtigaas oo Somaliland ka mid ahayd dal-weynihii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Boosaha iyo is-gaadhsiinta Somaliland mudane Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaaΒ  shaaca ka qaaday in ay dhawaan dalka ka hirgelinayaanΒ  adeegii Boosaha, kaasiΒ  oo xiliganΒ  baahi weyn loo qabo.iyada oo aanu muddo badan shaqaynin adeegaasi.

agaasimaha-BoosahaWaxaanu sheegay Md. Faysal in ay ka wasaarad ahaan dadaal dheer u galeen sidii ay u soo celin lahaayeen adeega Boosaha, iyaga oo la kaashanaya qaar ka mid ah shirkadaha is-gaadhsiinta, isaga oo tilmaamayΒ  in Somaliland uu adeega Boostadu ka jirayΒ  ka hor markii ay gobanimadeedda qaatay, hase yeeshee xiligan oo la marayo wakhti casri aanu adeegaasi ka jirin.

Faysal Cali Sheekh Maxamed,Β  Agaasimaha guud ee wasaaradda Boosaha iyo is-gaadhsiintaΒ  oo u warramay warbaabinta Afka dawladda ku hadasha, waxa kale oo uu sheegay in ayΒ  wadaan qorsheyaal ay ku horumarinayaan hawlaha ay wasaaradu masuulka ka tahay, si ay u noqoto wasaarad muhiim u ah qaranka.

Β 

Β Agaasimuhu isaga oo arrimahaasi ka hadlayaynaΒ  waxa uu yidhi β€œWaxa noo qorshaysan dhawaan oo uuΒ  ku talloΒ  galkayagu yahay in aanu soo celino adeegiiΒ  Boosta. Waxaanu ku tallo jirnaa wixii awoodayadaΒ  ah in aanu samayno, wasaaradunaΒ  ay noqotoΒ  wasaaradda ugu mihiimsan marka loo eego wasaaradaha kale. Waxa jira shirkado gaar loo leeyahayΒ  oo iyagaΒ  laftooda ka wada hadli doono sidii aanu u wada shaqeyn laheyn,Β  anagoo aan cabudhineyn shirkadaha gaarka loo leeyahay.”

Mar uu ka hadlaayay taariikhda dhinaca Boosaha ee Somliland waxa uu yidhi β€œ1920-kiiΒ  ayaynu lahayn adeega Boostadda, maanta ooΒ  aynu maryano 2014-kiina run ahaantii Boos shaqaysa ma lihin,Β  waxaana aynu ku dedaali doona inaynu Boos sameysano.”

Agaasimaha guud waxa kale oo uu ka hadlay xarun cusub oo loo dhisay wasaaradda Boosaha oo uu sheegay in ay dhawaan ku hawl gali doonaan. waxa kale oo uu sheegay in ay dhawaan keeni doonaanΒ  qalab casri ah oo wax ka tari doona ilaalinta cashuuraha iyo isku xidhka shirkadaha telefoonada. β€œDhismaha wasaaradani ku jirto waxa la dhisay sanadkii 1944-kii, meeshaasina mahaa meel lagu shaqeyn karo. Waxa noo hirgashay inaanu dhameystiro xarun aad u balaadhan oo ka kooban labaatan xafiis, kuwaas oo lehΒ  waxyaabihiΒ  looga baahnaa oo dhan. Waxa noo qorshaysan inaanu keeno qalab cusub oo dhinaca isgaadhsiinta wax lagaga qabanaayo, haday tahay cashuurahaΒ  iyo haday tahay isku xidhkaba. markaa run ahaanti hawlahaasi way noo qorshaysan yihiin.” Ayuu yidhi agaasimaha wasaaradda Boosaha.

Md. Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaaΒ Β  dar-daaran u soo jeediyay shirkadaha is-gaadhsiinta ee gaarka loo leeyahay, isaga oo tilmaamay in shirkadahaasi looga baahan yahay in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan wasaaradda Boosaha.

β€œHadaanu nahayΒ  wasaaradda Boosaha iyo Is-gaadhsiinta waxaanuΒ  leenahay shirkadaha gaarka loo leeyahayΒ  aynu wada shaqeyno, maadaama hal bawlaha dhaqaalaheenu yahay isgaadhsiinta,Β Β  oo shaqaalaha ugu badanina ay ka shaqeeyaan shirkadaha isgaadhsiinta ee gaarka loo leeyahay,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Faysal Cali Sheekh.

SOMALILANDPOST.NET