Hargeysa (SLpost)- Hooyo Nadiifiso ah ka ahayd meherad Ganacsi oo ku taalla magaalada Hargeysa oo maamulihii meheradaasi dhawaan caydhiyey, ayaa shaqo ka heshay hayโadda Barakacayaasha Somaliland.
Hooyadan oo shaqadaasi markii laga eryey si weyn sheekadeedu ugu faaftay baraha bulshada kaddib markii gabadh dhalinyaro ah oo xilliga dhacdada ku sugnayd meheraddu sheekadeeda faafisay, ayaa soo jiidatay indhaha dad tiro badan oo reer Somaliland.
Gudoomiyaha hayโadda Barakacayaasha Somaliland Cabdikariin Axmed Xinif ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hooyadan, waxaanu balanqaaday inay ka mid noqon doonto shaqaalaha xafiiska hayโadda Barakacayaasha Somaliland.
Warkan oo faahfaahsan waxaanu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalka Hoose