Washington (HT) – Dawladda JSL, ayaa Magaalada Washington ee dalka Maraykanka ka bilowday olole ballaadhan, kaasi oo salka ku haya sidii Madaxweyne Donald J.Trump uu uga dhabayn lahaa qorshihiisa ah inuu aqoonsi buuxa siiyo Somaliland.
Ololahan oo lagu xoojinayo dedaallada aqoonsi-raadineed ee Somaliland, ayaa diblumaasiyiinta ka shaqaynayaa waxay galaan-gal kala yeelanayaan siyaasiyiinta ku dhow Madaxweyne Trump iyo khuburrada Diblumaasiyadda ee dalka Maraykanka.
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo ku sugan dalka, Maraykanka Isla-markaana gacan ka helaya Safiirka Somaliland ee Washington Bashiir Good, ayaa Maanta dedaallada aqoonsi-raadineed kulan kala yeeshay diblumaasiyiinta Maraykanka ee caanka ah, kuwaasi oo doorkooda ka qaadanaya in Madaxweyne Trump uu sida ugu deg-degga badan dawlad madax-banaan ugu aqoonsado Somaliland.
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo uu weheliyo Safiirka Somaliland ee Washington Bashiir Good, ayaa xubnaha ay la kulmeen waxa ka mid ah safiirkii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa gobolka Harooyinka waaweyn ee Afrika Ambassador J.Peter Pham, Joshua Meservy oo ah khabiir ka tirsan HUDSON oo ka mid ah Macaa’hidda jaangooya siyaasadda arrimaha dibedda Maraykanka iyo xubno kale oo muhiim ah.
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo ka hadlay kulankaasi, ayaa Ambassador J.Peter Pham uga mahad-celiyey taageeradiisa muddada dheer ee JSL ” Aad ayaan ugu faraxsanahay la kulanka Ambassador J.Peter Pham, waxaan uga mahad celinayaa taageerada uu mudada dheer la garab taagnaa Somaliland. Waxaan aad ugu riyaaqay aragtidiisa cilmiyeed ee ku saabsan Afrika, gobolka aan xasiloonayn ee bariga Afrika iyo sida uu ula dhacsan yahay adkaysiga Somaliland..” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo qoraal ku baahiyey bartiisa X.
Ambassador J.Peter Pham, ayaa isaguna ka hadlay kulanka dhex maray isaga iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaan ku faraxsanahay in aan la kulmo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Bashiir Good oo ah ergeyga dowlad si dimoqraadi ah loogu soo doortay hal qof iyo hal cod, taasoo maamulaysa siyaasad nabadeed, taas oo lid ku ah taliska Muqdisho ee aan la dooran, laakiin uu Maraykanku ku bixinayey ballaayiin doolar oo gargaar ah..”
Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda JSL oo hadashay, ayaa kulamada ka dhacay Washington ku sheegtay kuwo midho-dhal ah.
“Kulamada Wasiirka arrimaha dibedda iyo Safiirka JSL Bashiir Good la yeesheen saaxiibbada Maraykanku, waxay ahaayeen si loo horumariyo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo booska saxda ah ee masraxa caalamiga ah ee Aqoonsiga Somaliland..” ayay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland.
Ambassador J.Peter Pham oo ka mid ah diblumaasiyiinta saaxiibka la’ ah Madaxweyne Trump, ayaa warar dhawaan soo baxay sheegeen in laga yaabo in loo magacaabo Ergayga Maraykanka ee Afrika.
Kulamadan oo muhiim u ah dedaallada aqoonsi-raadineed ee Somaliland, ayaa ku soo beegmaya xilli dawladda Soomaaliya dedaal ugu jirto inay ka hortagto in Maraykanku uu aqoonsado madax-banaanida Somaliland.
Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ku sugan dalka Maraykanka, ayaa kulamo la yeeshay qaar ka mid ah wadaaddada Diinta Kiristaanka ee Maraykanka, isagoo ka codsanaya Inay Madaxweyne Trump ku qanciyaan inuu joojiyo aqoonsiga Somaliland.