Somaliland iyo Ethiopia Oo Ka Shiray Xidhiidhka Labada Waddan iyo Xiisadda Gobolka

0

Oslo (SLpost)- Magaalada Oslo ee caasimadda Dalka Norway waxa toddobaadkan ku qabsoomay Kulan muhiim ah Oo dhexmaray dowladaha Somaliland iyo Ethiopia oo ka wada-hadlay sii xoojinta Xidhiidhka iyo danaha labada waddan.

Kulankan ayaa dhexmaray Safiirka Dowladda Somaliland ee dalka Norway Danjire Maxamed Maxamuud Aadan iyo Safiirka Ethiopia Dowladda Federaalka Ethiopia u fadhiya Sweden Danjire Mehreteab Mulugeta oo safar shaqo ku jooga dalka Norway oo aanay Ethiopia wax safaarad ah ku lahayn marka laga reebo Qunsuliyad qaabilsan Isu-socodka labada waddan iyo adeegyada muwaadiniinta Itoobiya ee ku nool Norway.

Safiirka Somaliland ee dalka Norway Danjire Maxamed Maxamuud Aadan ayaa qoraal mahad-naq iyo bogaadin isugu jira Kaga hadlay ujeeddada kulanka iyo arrimaha ay ka wada-hadleen Safiirka Ethiopia u fadhiya dalka Sweden Danjire Mehreteab Mulugeta oo uu xusay inay wada-qaateen kulan midho-dhal ah.

โ€œWaxaan si kal iyo laab ah uga mahadcelinayaa kulanka midha-dhalka ah ee aan Oslo kula yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Danjire Mehreteab Mulugeta,โ€ sidaas ayuu yidhi Safiirka Somaliland ee Norway, waxaanu intaas ku daray inay isweydaarsadeen afkaar iyo aragtiyo midho-dhal ah oo qayb laxaad leh ka qaadan kara xidhiidhka labada waddan. โ€œWaxaan ku kalsoonahay inay natiijo wanaagsan oo wax-ku-ool ahi ka soo bixi doonto wadashaqeynteena,โ€ ayuu yidhi Danjire Maxamed Maxamuud Aadan.

Safiirka Dowladda Somaliland ee dalka Norway waxa uu dhiggiisa dalka Ethiopia ku bogaadiyey in muddadii kulanku socday uu muujiyey sida ay goโ€™an tahay sii xoojinta Xidhiidhka u dhexeeya labada waddan, waxaanu u ballan-qaaday inay si dhow uga wada-shaqayn doonaan xoojinta Xidhiidhka iyo ilaalnta danaha labada waddan.

Kulanka dhexmaray labadan dublomaasi, ayaa ku soo beegmaya xilli uu cirka isku shareeray khilaafka u dhexeeya Ethiopia iyo Soomaaliya, iyadoo Xukuumadda Muqdisho toddobaadkan dalkeeda ka caydhisay safiirkii Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya u fadhiyey Soomaaliya.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net