SOMALILAND: Hayโ€™ad Fadhigeedu yahay Australia oo Xisbiga UCID ka ogolaatay Deeqo Waxbarasho oo Siddeed Dhakhatar loogu Qaadayo Deeq Waxbarasho oo Takhasusaadka Caafimaadka Indhaha ah (SAWIRRO)

0

Sydney (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Saraakiisha Xisbiga ee dalka Ustareeliya, ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Hayโ€™adda โ€˜The Fred Hollows Foundationsโ€™ oo fadhigeedu yahay dalka Australia.

UCID (4)Masuuliyiinta Xisbiga UCID oo uu hoggaaminayo Murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa xarunta hayโ€™addaasi ku leedahay magaalada Sydney ee caasimadda Australia kula kulmay Mr Richard Le Mesurier, waxaanay u soo bandhigeen baahiyaadka dhinaca Caafimaadka ee ay hayโ€™addu ka taageeri karto Somaliland.

Hayโ€™adda โ€˜The Fred Hollows Foundationsโ€™, oo dalalka soo-koraya ka taageerta Caafimaadka dhinaca Indhaha, ayaa masuuliyiinta Xisbigu ka dalbadeeen inay Somaliland u fidiyaan tabobar iyo takhasusaad caafimaadka Indhaha ah, waxaanay hayโ€™addu ka Aqbashay isla markaana ogolaatay 8 qof oo la siiyo waxbarasho Caafimaadka Indhaha ah.

UCID (1)Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in xisbiga UCID oo metelaya Jamhuuriyadda Somaliland uu hayโ€™addaas ka codsday deeq waxbarasho caafimaadka ah oo loo fidiyo, isla markaana ay ka aqbashay 8 qof oo hayโ€™addaasi u fidinayso deeq waxbarasho oo xagga caafimaadka ah.

UCID (2)โ€œHay’adani waxay la dagaalanta Indho-la’aanta dunida saddexaad, waxayna ka hawl gashaa 20 waddan oo u badan Afrika, waxayna deeqo waxbarasho oo caafimaadka indhaha siisaa dhakhaatiirta iyo kal-kaaliyayaasha (nurses) si ay cilmiga caafimaadka ee indhaha u bartaan si dalalkooda ay uga hawl galaan,โ€ sidaa waxa yidhi Aqoonyahan Jamaal oo sharraxayey Hayโ€™adda iyo Deeqa ay bixiso.

UCID (3)โ€œHaddaba, waxa guul u soo hoyatay Somaliland ah in ay ka aqbaleen xisbiga daryeelka ee UCID in 8 qof deeq waxbarasho xagga indhaha ah ay ugu soo tababaraan Somaliland,โ€ ayuu yidhi Murashaxa Madaxweynaha UCID.

Aqoonyahan Jamaal waxa kale oo uu sheegay, โ€œWaxa la ogyahay in dunida aynu ku nool nahay gaar ahaan dadka dunida sadexaad boqolkiiba sagaashan (90%) uu ku dhaco cudurka indho la’aanta oo si fudud wax looga qaban kari lahaa boqolkiiba siddeetan (80%) cuduradaasi.โ€

UCID (5)

Hayโ€™adda โ€˜The Fred Hollows Foundationsโ€™ oo sannadkii 1992-kii uu aasaasay Dhakhtar dhinaca Qalliinka ah, ayaa shaqadeedu tahay la-dagaalanka Cudurradda ku dhaca Indhaha ee aakhirka ku keenta Kumanaan Carruur ah oo ku nool dalalka Soo-koraya, inay indha-beelaan. Waxaanay ku taageertaa Qalabka caafimaadka Indhaha, Deeqaha Waxbarashada Caafimaadka Indhaha oo ay kala shaqayso Wasaaradaha Caafimaadka ee waddamo badan oo adduunka ah.
Taalabadan masuuliyadda Xisbiga UCID kaga midho-dhaliyeen deeqda Caafimaadka ah ee ay Somaliland uga heleen hayโ€™addan oo ku-dayasheeda mudan, ayaa ah mid dhiirri-gelinaysa sida ay dadku wax u qabsan karaan, iyada oo aan dawladda oo kaliya wax laga sugin ee iskaashiga dadku wax weyn ka tari karto baahiyaadka dhinaca horumarinta adeegyada bulshada ee dalka ka jira.

SOMALILANDPOST.NET