Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen ku meel-mariyey Odoroska Sannad-miisaaniyadeedka 2021-ka oo golaha la horkeenay kulanka toddobaadlaha ah ee Khamiistii la soo dhaafay.
Odoroska Miisaaniyadda sannadka 2021-ka oo boqolkiiba Saddex ka badan tii sannadkan 2020-ka, ayaa loo qorsheeyey in meelaha ugu badan ee ay ku bixi doonto ka mid yihiin adeegyada bulshada, sida Amniga, Caafimaadka, wax-soo-saarka, Waxbarashada, Cadaaladda iyo dhinacyada Doorashooyinka, Ictiraaf-raadinta iyo maamul-wanaagga.
War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Maxamuud Warsasame Jaamac, Afhayeenka Madaxweynaha, ayaa u qornaa sidan:-
“Fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayey dood iyo falan-qayn dheer ka dib ku ansixiyeen miisaaniyad-sannadeedka 2021-ka oo fadhigii hore la horkeenay.
Miisaaniyadan oo ka kooban lix qaybood oo kala ah:
- Dawladda dhexe
- Dawladaha hoose
- Hay’adaha madaxa-bannaan
- SDF
- World Bank
- JPLG.
Caddadka oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2021 wuxuu dhan yahay 2,882,000,000,000 (laba tiriiliyan iyo siddeed boqol laba iyo siddeetan bilyan), waxana ay oddoroska miisaaniyad sannadeedka dawladda dhexe ka badan tahay tii hore ee 2020 ku dhawaad 2.7% halka wadarta guud ee miisaaniyaduna ay tii 2020-ka badan tahay 2.9%, waxaanay mudnaanta siin doontaa miisaaniyaddan 2021-ku:
1. Amniga
2. Caddaaladda
3. Caafimaadka
4. Waxbarashada
5. Wax-soo saarka
6. Deegaanka
7. Tamarta
8. Maamul wanaaga
9. Doorashooyinka
10. Ictiraafka
Miisaaniyad sannadeedka 2021-ku waxay waafaqsan tahay qorshaha labaad ee qaranka, barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye iyo habka maamulka maaliyada ee PFM, waana miisaaniyaddii soddonaad (30) ee uu yeesho dalka Jamhuuriyadda, Somaliland, waxana loo gudbin doonaa golaha wakiillada Somaliland si ay uga gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxa madaxtooyada Somaliland.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net