Inkastoo aanay caado ii ahaan jirin wax ka sheega masuuliyiin xijaabtay iyo kuwa hadda nool, haddanaย ย waxaan halkan ku iftiimin doonaa qormo hore oo male aadame aanu ku malaโawaalayey, taasoo ahayd xihiidhka ka dhaxeeya Faraha iyo Falaga, isla-markaana, waxaan akhristayaasha sharafta mudan ee xiiseeya Akhriska iyo qoraalada ay ku adkaan doonto fahamka qormadanayan, waa Akhristayaasha ay daโdoodu ka yar tahay 30-Sanno jir.
Haddaba marka aynu eegno Faraha ku yaala gacmaha Aadamaha waxa lagu tilmaamaa inay yihiin Afar-Farood, laakiinse aanay jirin mid shanaad, kuwaas oo kala ah sida:-ย ย Far-yarro, Faadumo, Far-dhexo, Murdiso, waxaynu qormadeenan ku eegi doonaa xidhiidhka ka dhaxeeya Faraha, Falaga iyo Afarta Madax-weyne ee Somaliland ka soo taliyey.
Far-yaro : – Waa Farta ugu yar Faraha Gacmaha Aadamaha ku yaal, isla markaana waxa lala xidhiidhiyaa meere ka mid ah meerayaasha xidigiska ee illi maqabatayga, kaasoo loo nisbeeyo dhinaca isgaadhsiinta , iyo jinsiga, sidoo kalena waxa lagu tiriyaa inuu leeyahay hammo sarre, hindise , xidhiidhin iyo xoriyad maskaxeed, waana kuwo ku xidhan dadka ugu fiican dhinaca dhaqaalaha eel eh aragtida fog.
Faadumo:-ย ย Farta- labaad ee faruhu waxay khusaysaa meerayaasha Apollo iyo jilboole, waxaana loo eegaa inuu yahay mid leh Abuurid-himilo, wax-qabad, currin iyo ka midho dhalin, sidoo kalena waxa lagu suureeyaa ruuxi lagu lamaan yahay.
Far-dhexo:- ย Farta dhexe ee faraha waxa lala xidhiidhiyaa meeraha jilboole, kaasoo lagu tilmaamo cadaalad, wax-garad iyo garawshiyo -laโaan, waxa kale oo lagu tiriyaa inuu ka sameysan yahay dun xariira oo fiican, xasilooni iyo masuuliyad, laakiinse, haddii Farta -dhexe ay aad u dheeraato ama faraha kale ka gaabnaato, waxa lagu macneeyaa in ay tahay astaamaha lagu garto , in aanay dheeli-tirnayn wadada aad marayso iyo ta xukumaddaha, dadka la darajada ahi ay maryaan .
Murdiso: – Tani waa dariiqada hiigsiga horumarka, waxa la xidhiidhiyaa meeraha mushtar, Farta sharaxaada ama tilmaanta, waxa loo eegaa inay leedahay dhisid-mustaqbal, dhex-dhexaad, niyad, tamar, iyo isku kalsooni, laakiinse, haddii murdisadaasi ka dheeraato farta-dhexe ama ay ka gab-naato waxa ku tusinaysaa dariiqada tayadda hogaamintiisa iyo goโaankiisaba, in halgan iyo kacdoon laga hor yimaado amaba si dhib yar uu iskaga dhameeyo.
Maxamed Faarax Qoti