Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland oo kaashanaysa Culimada dalka, ayaa bilowday olole ay bulshada kaga wacyi-gelinayso Dhibaatooyinka uu leeyahay Gudniinka Fircooniga ah iyo sida uu uga soo horjeedo dhaqanka suubban ee Diinta Islaamka.
Wasaaradda oo kaashanaysa culimada dalka, waxa ku tallaabsaday bilowga olole ibo-fur u noqonaya wacyi-gelin bulshada lagu baraarujinayo dhibaatooyinka nololeed ee Gudniinka Fircooniga ahi u leeyahay mustaqbalka Nololeed ee gabadha oo tiir-dhexaad u ah nolosha Qoysaska ee Bulshada.
Hoos ka daawo Muuqaal xambaarsan farriin ka dhan ah Gudniinka Fircooniga ah oo Wasaaraddu u jeedinayso Bulshada.
https://www.youtube.com/watch?v=gfOXdqibdNw&t=29s
ย ย