Berbera (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyaddda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqoΒ ku gaadhay magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, waxana halkaas kusoo dhaweeyey shacabka ku dhaqan magaalada Berbera iyo nawaaxigeeda.
Wefdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay xubno ka yihiin wasiirrada wasaaradahaΒ Gaashaandhigga, Mudane Ciise Axmed Yuusuf, Horumarinta Beeraha, MudaneΒ Axmed Muumin Seed, iyo Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Caafimaadka, Dr.Β XasanΒ Ismaaciil Yuusuf,Β guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE, Xuseen Aadan Cadde, iyo siyaasiyiin milgo iyo miisaan leh oo ay kamid yihiin, Ambassador Cawil Cali Ducaale, Farxaan Aadan Haybe, xildhibaanno iyo xubno kale oo xukuumadda ka tirsan.
Madaxweynaha iyo wefdiga uu hoggaaminayo, ayaa ugu horrayn waxa si weynΒ loogu soo dhaweeyey dhammaanba deegaannada u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo ay taagnaayeen dadweyne caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland lulaya, isla markaana muujinaya taageerada laxaadka lehΒ ee ay u hayaan hoggaaminta madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Maamulka gobolka Saaxil iyo degmada Berbera iyo shacabweyne tiro badan oo ku dhaqan magaalada Berbera, ayaa madaxweynaha iyo wefdigiisa kaga horyimi duleedka Galbeed ee magaalada, halkaas oo uu madaxweynuhu shacabka kula qaatay socod lug ah oo masaafad dheer ah.