Slovakia oo magan-gelyo siisay 11 qaxooti Soomaali ah

0

Slovakia(SLPOST)11 qof oo qaxooti Soomaali ah oo laga qaaday dalka Yemen ayaa magan-gelyo ku-meel-gaar ah laga siiyay dalka Slovakia.

slovina 1

Hayโ€™adda socdaalk adduunka ee IOM ayaa sheegtay in qaxootiga Soomaalida ay gaareen dalka Slovakia Talaadadii la soo dhaafay, iyagoo halkaas ka helay magan-gelyo lix bilood ku eg.

Slovina

IOM ayaa boggeeda ku sheegtay in dadka magan-gelyada helay ay isugu jiraan haween iyo carruur la sheegay in lagula kacay kufsi iyo gaboodfallo kale.

Qaxootiga Soomaalida ayaa ka soo cararay dagaallada iyo xasillooni laโ€™aanta ka jirta dalkooda.

Waa kooxdii labaad oo qaxooti Soomaali ah oo laga qaaday dalka Yemen, kuwaas oo dib u dejin ka helay dalka Slovakia.

Tallaabada ayaa ka dambeysa kaddib markii heshiis ay wada gaareen dowladda Slovakia, UNHCR iyo IOM

Somalilandpost@live.com

Hargeysa/Somaliland