USA (SLPOST) Madaxa guddiga golaha Senateka u qaabilsan arrimaha Sirdoonka ayaa shaaciyey in hayβada sirdoonka Maraykanka CIA ay si qarsoodi ah u weerartay computerada guddiga Baarlamaanka iyagoo ka masaxay qoraalo xasaasi ah iyo baadhitaankii ay wadeen gudigaasi.
Dianne Feinstein oo ah madaxa Guddiga Senateka u qaabilsan Sirdoonka oo ah guddiga la xisaabtama hayβadaha sirdoonka ayaa sheegtay in warbixino xasaasi ah oo muujinayey khaladaadka CIA-da masaxay computerada yaalay xarunta Baarlamaanka oo ay ku shaqeenayeen guddiga baadhitaanka wada.
Warbixinada la masaxay ayaa la sheegay inay kamid ahaayeen xog la xadhiidha jirdilka ay Sirdoonka Maraykanka CIA u geystaan dadka ay qabtaan, in sirdoonka Maraykanka ku fashilay inuu xog fiican ka helo maxaabiista ku xidhan Guwantanamo Bay oo la jidhdilo iyo in CIA-da ay xog been ah u gudbiyaan Golayaasha Baarlamaanka.
ββ¦Arrintan ay ku kacday hayβada Sirdoonka waxay si dhab ah u burburineysaa sharcigii kala qaadayey awoodaha dowlada sida ku xusan Dastuurka Maraykankaβ¦β ayey tidhi Dianne Feinstein oo sheegtay in sirdoonka uu faraha lasoo galay awoodii Baarlamaanka iyo sharci-dajinta Maraykanka.