
Guddiga Qaban-Qaabada Xuska Toban Guurada ย iyo Kalfadhiga labaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga UDUBย Waxay ku wargelinayaan dhammaan Xubnaha Golaha Dhexe ee UDUB iyo Marti Sharaf kale Shirku ku Qabsoomi doono EGAL CONVENTION CENTRE (Crown Hotel), 31 October, 2011ย 7.30 AMย Subaxnimo.,isla markaana lagu cel celiyey in uu yahay shir golaha dhexe xisbiga uun lagu habeynaayo,lakiin aan wax hogaana lagu soo hadalqaadayn.
Xisbiga Udub ee mucaridka ah ayaa wali la dhutinaya burburkii ka dhashay guul daradii foosha xumayd uu kala kulmay doorashadii madaxtooyada sanadkii 2010-kiiโ iyada oo ay waliba u sii dheer tahay khilaafadka gudahooda iyo tartan hoose oo ka dhaxeeyaย ย kaas oo gaadhsiisay in si qaawan hadalo saxaafada laysugu mariyo , siiba wasiiradii hore ee Udub oo lagu eedeeyo guuldaradii xisbigaasi ku habsatay , xisbigan ayaan lahayn haykal xisbi oo dhisan ,isla markaana waxaa ay wali ka dhursugayaan bal in hogaankoodii(Gudoomiyahoodii) mar uun dib ugu soo laabto.
Marka aan dhinac kale eegno waxaan muran ku jirin in Udub ay ahaydย ย kuwo ka baqdin qabay weligoodba furashada Ururada Siyaasadeedka ee la ogolaaday, ka dib markii la arkay baahida jirta iyo kaalintii
Siyaasadda dalka, ilaa iminka labada xisbi ee mucaaradku shirarka muhimka ah ee wufuda dibada inoogu timaado , kama dhex muuqdaan, waxaan odhankarnaa maaha wax jira , ee sida aynu kor ku soo sheegnay waxa meesha ka baxay oo liita doorkii siyaasaasadeed ee ay saaxada ku lahaayeen labadaas xisbi mucaarad maadaama ay bulshadu sugayso isbadal ka dhalan kara marka loo tartamo Ururada siyaasada.
Xogo la helay ayaa tibaaxaya in Shirweynaha UDUB oo lagu wado in uu qabsoomoย ,ย dib loo dhisaayo golihii dhexe Udub oo kala daadatay, sida qaar badan ay iskaga tageen iwm, sida daradeed loo baahanyahay sidii loo heli lahaa xubno la isku halayn karo oo codkooda aanu leex leexan, maadaama laga cabsi qabo in dhowr musharax ku tartamaya gudoomiyaha musharaxnimada Xisbiga UDUB.
Musharixiintaas oo ay ka mid yihiin Cali Warancade , Cawil Maxamed Ducaaleย ย , Siciid Sulub , Axmed Xasan Cigaal , Iwm , ayaa hore shaaciyay, inay u taagan yihiin jagada Gudoomiyaha ee Xisbiga UDUB dhexdiisa, dhowr jeer ayaa shir jaraaโid oo iska soo horjeeda lagu qabtay magaaladda Hargeysa, dad badan ayaaย ย cambaareeyey qaabkaย loo soo xulayo tirooyinka dhiman go;aha dhexe , iyadoo aan shirweynihii 3aad qabanqaabada xisbigaas uu muddo dhaafay , iyo qaabkan iminka la wadoย ย oo ay ku tilmaameen mid sharciyadda xisbigooda ka baxsan.
ย Hadaba Xisbiga UDUB ayaa ilaa maanta aanay u suurta gelin , inay dibu-habeyn iyo waxii ka xumaaday dib uga soo kabtaan , waxaa cabsida ugu badan ka taagantahay rag badan oo iyagu tartan adag ku jira ,ahaana wasiiradii ku xeernaa xukuumadii Rayaale ,isla markaana ka soo jeeda hal beel oo keliya iyo weliba madaxkale xisbigaasi oo ka soo horjeeda iyaguna damacooda , arimahaasi iyo qaar kaloo badan ayaa shirweynihii xisbigaasi suurtagal ka dhigiweyday iyo iyadoo calaamatul su,aal saarantahay tartanka golayaasha degaanka ee Ururada sida xaalka Udub ku danbayn doono haddii xaalkoodu sidan sii ahaado, ย bal aan ka soo qaadano qaar ka midda raga ugu cadcad ee hungurigooda soo bandhigay.
1. Wasiirkii hore ee Maaliyada Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo isagu ku biiray xisbiga Udub xilligii lagu jiray ololihii doorashada Madaxtooyada 14 April 2003-dii, kaas oo musharaxii jagada madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye uga sharaxnaa Udub Daahir Rayaale Kaahin uu kaga guulaystay musharaxii jagada madaxweynaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo cod dhan 80 cod, kaasoo madaxweyne Rayaale dawladii cusbayd ee soo dhisay 2003-dii uu Mr Cawil u magacaabay wasiirka Maaliyada, kaasoo xilliyadaasina eedo kulkul u xambaariyay oo uu ujeediyay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo wakhtigaasi ahaa gudoomiyaha xisbiga Kulmiye. Mr Cawil oo kamid ahaa wasiiradii ku xeernaa madaxweynihi hore ee Rayaale oo mudooyinkii dambe dalka uga socdaalay Nairobi xarunta dalka Kenya ayaa la sheegay inuu ka mid yahay shakhsiyaadka wasiiradii xukuumadii Rayaale ee weli hunguraynaaya in hogaanka xisbiga Udub ay gacanta ku dhigaan, balse loolanka ka aloosan xisbiga Udub ee u dhexeeya kooxdii wasiiradii Rayaale ee isku haybta ah ayaa la sheegay in Cawil Cali Ducaale uu ka rajo goโsan yahay damacii uu ka qabay hogaanka Udub, kadib markii ay soo biireen loolan Udub xubno ka tirsan qurbo jooga beesha galbeedka Burco oo lagu sheegay inay yihiin,ย ganacsato laysla shex marayo in Cawil haddii uu ku hungoobo shirweynaha Udub ee la filayo inuu qabsoomo bishan October 2011-ka uu diyaarsaday urur cusub oo uu ku dhawaaqi doono, taas darteedna ay tibaaxaha soo baxayaa sheegayaan in Mr Cawil loolanka ka dhex oogan xubnaha ay isku haybta yihiin ee golihii wasiiradii xukuumadii hore ay ka wada tirsanaayeen lagaga awood batay inuu mansab siyaasadeed ka qabto gudiyada sare ee hogaankaย Udub.
Cali Ibrahin Warancadeย ayaa sheegay in uu u sharaxn yahay Jagada madaxtinimada ee shanta sanno ee soo socta,ย isaga oo xusay in uu ka sharaxan yahay Xisbiga Udub.
Wasiirkii hore ee Dulista iyo Hawada ee Somaliland Md.Cali Ibraahin Warancade ayaa socdaalo siyaasaded ku soo maray wadamo badan oo ka tirsan Qarada Afrika , si u muujiyo hankiisa siyaasadeed .isla markaana waxa soo soo dhaweyntiisa ay ku muujiyeen taageerayashiisa sida qaar ka midda Madaxda Xisbiga Udub, ama qaar ka mida wasiiradii Xukuumadii Riyaale, Boqoro, Salaadiin ah, kuwaasi oo sitay Astaanta u gaarka ah xisbiga Udub iyo Sawirkiisa,Soo Dhaweeytaas balaadhan ee lagu soo dhaweyay Cali Warancade ayaa laga dheehanayey in uu loolan adag ugu jiro in uu ka soo baxo xisbiga Udub dhexdiisa kadiban uu noqdo Musharaha Madaxweynanimada shanta sanno ee soo socota.
Tageerayaashiisa ayaa ku dhawaqayey ereyo ay ku soo dhaweynayaan oo ah ย Madaxweyne Soo dhawoow.
mudane Siciid sulub oo isaguna uu ku jiro hunguriga saaxibadiis ayaan aad u cuslayn waxaana ugu danbeeyey hadalkii jawaabta ahaa uu bixiyey markii madaxweynuhu eedda u soo jeediyey isaga oo markhaati ku furay inay wax musuqmaasaqeen, dhabarkana ka toogtay xisbiga Udub
ย Waxa si deg-deg ah eeddo loo soo jeediyey ugaย ย jawaabay Madaxweyne siilaanyo oo qunbulad kuย riday mucaaaridka.ย Haddaan uย soo noqdoย ina Sulub, Siciid Sulub oo wakhtigiiย Rayaale ugu hadallo badnaaย ayaa isaguna, ย runtii, jawaabtii laga filayey iyo mid u dhawtoona aanย ka bixin jawaabtii siilaanyo isagoo hadalka dhexfadhiistay, cadeeyeyna inuu yahay Siyaasi aan bislaa,an,ย waxana hadalkiisii ka mid ahaa:
โย Musuqmaasuqna waa Somali maheradeed baa la yidhi lakiin anagu boqolkiiba boqol sax maanu ahayn oo waxay Somali tahay ayaanu ahayn.โย isku soo wada duuboo, waxa halkaa inooga soo baxay dhaw arrimoo,inuu siciid sulub xisbiga UDUB sharafta iyo karaamadaba ka qaaday halkii u ka difaaci lahaa, dhabarkana u ka toogtay, shaki farabadanna u ku dhaliyey dadkii taageersanaa xisbiga, waana ayaan darro weyn inu nin siyaasi isku sheegayaa sidaa qaawan ee qayaxan u hadlo, runtii isagaana sharata iyo karaamadiiba iska qaaday waana loo wada naxay.
Safiirkii Hore Ee Somaliland U Fadhiyey Dalka Shiinaha Oo Ku Dhawaaqay Inuu U Tartamayo Guddoomiyenimada Xisbiga UDUB Iyo Musharaxa Madaxwaynaha Ee Sanadka 2015-ka
Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey dalka Shiinaha Mr Axmed Xasan Cigaal oo ka mid ah saraakiisha xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB ayaa ku dhawaaqay inuu u tartamayo guddoomiyenimada xisbigaas ee wakhtigan iyo musharaxnimada Madaxwaynenimo ee sanadkan 2015-ka, isaga oo rajeeyay inuu ku guulaysan doono.
Hadaba musharaxnimadaa farabadan ee ka dhex aloosan Udub dhexdeeda ayaa waxaa ganafka ku dhuftay Afhayeenka udubย Mujaahid Cali-Guray oo Waraysi siiyay TV-ga Hornย Cable arrimahaasi ku sheegay ayaa isagoo ka hadlayaย waayaha Xisbigooda UDUB iyo Shakhsiyaadkii Wasiiradaย ka ahaa Xukuumaddii Rayaale ee Guuldaraysatay, waxa uu yidhi โXaalada Xisbiga UDUB sida imika uu yahay maย wanaagsana. Sababtoo ah xisbigu wuxuu ahaa xisbigiiย ugu horreeyay ee dalka laga aasaasay, waxa uu ahaa in xisbigii Doorashada ka horeysay ka hor tallada dalkaย Gacanta ku hayay. Waana xisbiga ugu waayo aragsanย Xisbiyada oo waayo aragnimo buuxdana u lehย Hoggaaminta qaranka. Sidaasi ha ahaado laakiin waxaย Nasiib darro ah in mudadii uu xilka hayay Xisbigaย UDUB waxa uu u jiray uun xukuumad ahaan ee xisbiย ahaan kaalin firfircoon muu lahayn. Waynu ogaynย xiligii olalihii doorashada, Anigu waxaan idhaahdaaย Xisbiga UDUB Muu tartamin, balse waxa tartamayay labaย xisbi iyo xukuumad. UDUB waxa meesha ka garbiyayย xukuumaddii isaga ka dhalatay haddii cidi kaย adkaatayna waxa ka adkaaday xukuumaddii isaga kaย dhalatay. Xukuumaddiina waxa doorashadii kagaย adkaaday xisbiga tallada hadda haya ee KULMIYE.Xaalada Xisbiga waxaad moodaa marka aanan shakhsiyoย ka hadlin ee aan bahweynta UDUB idhaahdo dareenkooduย waxa weeye in la badbaadiyo xisbiga UDUB jiritaanka
dhismaha xisbiga UDUB in la badbaadiyo ayaa ka mudanย in lagu loolamo iyo in la iska yidhaahdo Murashaxย baan ahayn uun ma aha. Waxaan Anigu in badan kuย dedaalayay inaan Ragga Mudakarka ah ee Xisbiga UDUBย ku qanciyo inaan wax kale oo dhanba aanu dhinac iskaย dhigno, haddii aad dagaal galayso waa inaad dadkaagaย diyaarisaa oo aad waxaad haysato diyaarsataa. Nasiibย darro waxaad moodaa inaan la isla fahamsanayn sidiiย UDUB loo badbaadin lahaa.โย Afhayeenka UDUB oo ka hadlayay aragtidiisa ku wajahanย sida lagu badbaadin karo xisbiga UDUB wuxuu yidhiย โAnigu badbaadinta UDUB fikrada aan ka qabowaxaanย jecelahay inaan halkan ka gudbiyo. Waa farriin kusocota bahweynta UDUB oo dhan oo aan jecelahayna inta
aan UDUB ahayni inay maqasho, Laakiin waxan kale eeย imika la wado oo dhami waa danaysi gaar ah ooย shakhsi, reer iyo koox aniguna kuwaasi kuma jiro.ย UDUB waxa u furan laba waddo oo kaliya, waddoย sadexaad oo kale oo u furani ma jiro, wadaddaย sadexaad waa ta imika uu hayo oo ah wadadda hoogaย iyo halaaga. Labadaasi xal midi waa xalka Golahaย ,Dhexe midka labaadna waa xalka Shirweynaha UDUB.ย Waxaan Anigu qabaa in loo baahan yahay muddo Sodonย Cisho ah gudahood in lagu soo xulo Golihii dhexe eeย xisbiga UDUB oo uu fadhiisto Bishan April ee aynuย hadda galayno aakhirkeeda fadhigiisii ugu horeeyay.ย Waxa ansixinaya sidii lagu heshiiyay waxa ansixinayaย Golaha Dhexe Guddoomiyaha xisbiga UDUB oo ahย Madaxweynihii u hore ee Daahir Rayaale Kaahin. Marka golaha dhexen la ansixiyo suโaasha ugu horeysa eeย meesha soo galaysaa waxa weeye Hoggaankii hore eeย xisbiga UDUB maxaa laga yeelayaa laba ayaa iyadana uย furan in loo arko inuu sii joogo Hoggaankii hore eeย xisbiga ee lagu doortay shirweynihii hore haddiiย danta xisbiga UDUB loo arko waxba kama qabo iyo inayย noqoto in Hoggaankii hore meesha ka wada baxo ooย Hoggaan cusub oo ku meel gaadh ah Golaha dhexe iskaย dhex doorto si Dimuqraadi ahna loo doorto.ย Haddii arrintan dambe la qaato waxa lagama maarmaanย noqonaysa in Golaha dhexe intaan tallaabadaasi laย qaadin uu wax ka bedel ku sameeyo xeerka xisbiga siย loo waafajiyo sharciga, haddii sidaasi ay noqotoย waxa uu noqonayaan tartanka hoggaanku mid xisbigaย dhexdiisa ah oo ay odayaashii hore (Hoggaankiiย horena) ay iyagu yihiin kuwa dadka isku soo jiidย jiidaya ee mus-dambeedka u ah xisbiga UDUB. Markayhalkaasi marayso xisbiga UDUB wuxuu helay Gole dhexeย iyo Hoggaan cusub halkaasi ayuu dhamaystirmayaaย dhismihii xisbigu waxaana loo sii gudbayaa dhismahaย wakiilada xisbiga ee gobolada dalka. Waxa kale oo looย diyaar garoobi karaa doorashada goleyaasha deegaanka
ee la filayo inay dalka ka qabsoonto.ย Xalkaasi haddii la iska diido xalka labaad ee uย furani waa xalka shirweynaha oo waxaan qabaa in muddoย lix bilood ah shirweyne loogu yeedho xubnaha xisbiga,waana in la sameeyaa qaban qaabo iyo Hoggaan ku meelย gaadh ah oo sii wad0-wada hawsha intaasi.haddii lixย bilood lagu qaban waayo waxa na soo gaadhayaย doorashadii Goleyaasha deegaanka, waxa dhici karta inย ururadii la furo xisbigii oo aan dhisnayn ayaa waxa
ku soo boodaya hawlo uu ka bixi karo xisbi dhisan.ย Markaa waxaan doorbiyaa xalka hore.โAfhayeenka oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhiย โXisbiga UDUB haddii uu cadow leeyahay waa nimankiiย ku jiray xukuumaddii meesha ka baxday, waxa jirtaย Xukuumaddii hore oo sidoodii oo dhan oo shalaynaย xisbiga meesha ka saartay, haddana waxay doonayaanย inay xisbi yahanada UDUB ay dibadda dhigaan oo ayย noqdaan xukuumaddii hore oo haddana UDUB ah qolada
sidaasi doonaysaa xalkaygan labada qodob ah maย waafaqsana,laakiin bah-weyntii UDUB bari illaa galbeed, gudo iyo dibadba waxay waafaqsan yihiin inย la helo Golihii dhexe ama shirweyne la iskugu yimaado,โayuu yidhi Afhayeenkii xisbiga UDUB.ย Cali Guray oo ka jawaabayay Suโaal ahayd sida uu uย arko dhaqdhaqaaqyo rag musharaxiin ka noqonayaย xisbigu ay isku shaacinayeen iyo isbedelka xisbigaย UDDUB dhexdiisa waxaanu yidhi โHorta mid gabi ahaanba
waan diidan nahay waanan ka xumahay wakhtigan aynu kuย jirnaa waa kaliil dheeraatay oo dadkeena dhibaataddaย haysata inaanu la qeybsano haddii aanu UDUB nahay ooย aanuย badhkayaga qaadano.Waxaan diidan nahay nimankan intay madaarka ka sooย degaan basaska is-dabo gelinaya ee Gaadiidka sooย kireynaya inta ay inyar oo ardaagiisa ah inta uu soo
abaabulo odhanaya ha la I soo dhaweeyo ee I arkaay Iย maqlaay leh, waxaan leeyahay waar xayawaankunaย jilaalkii ma qooqaan. Ninka dalka Madaxweyne Kaย doonaya ummadda abaarta ku jirta ee haraadka uย dhamanaya, lacagta uu I arkaay ku bixinayo waa lagaย fiican yahay. Midda kale hab maamuuska xisbigaย calanka UDUB waxa soo huwan kara oo madaarka lagagaย soo dhaweynayaa Guddoomiyaha, Gudoomiye Guddoomiye Kuย xigeenka, Xoghayaha Guud, Xoghaye ku xigeenkaxisbiga. Lixdankii Wasiir ee xukuumaddii dhacdayย haddii kii madaarka ka soo degayaaba uu calankii UDUBย huwado isagoo wax xil ah oo toos uu ugu hayaaba aanayย jirin waxay u muuqanaysaa kaambayn iyo dhoola-tus.ย Haddii arintaasi joogsan weydo waxaynu eegi doonaaย cida laga bas bato iyo cidda laga dad bato.โ
Dhanka kalena raga hunguriga badan ku jiro ย waxa horyaala talaabooyin cul culus oo ay ka midyihiin in xisbiga UDUB-ay jiraan rag kale oo iyaguna ku hamiyaaya in ay madaxweyne isaga soo sharaxaan, inkasta oo aan xisbiga udub u dhawayn in maanta cid ka soo dhex baxdo, hadana waxaa yaala caqabo waaweyn oo ay adagtahay sida ay uga dabashaan,ย Hadaba Waxaa Lays Weydiin Karaa Maxaa Hor Taagan Qabashada doorasho Shirweynaha Udub lagu doorto hogaan, ย Ninkii Wuxuu Yidhi Hasha Kud Waa Dilay Waxna Waa U Weheshaan Iminka Waxaa Jira Dhawr Sababood Oo Loo Aanayn Karo dibu dhaca shirweynaha udub Waxaana Sida La Sheegay Ugu Horeeya Inkastoo Madaxweyne Riyaale Mar Iyo Lababa Ku Celiyey Inuu Mar Labaad U Sharaxan Yahay Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga Hadana Doorkan Waxaa Jira Rag Miisaan Culus Leh Kuwaasoo Iyana Danaynaya Inay Isu Sharaxaan Jagadan Waxaa Kale Oo Jirta Khilaafaad Iyo Tafaraaruq Ku Dhex Jira Xubnaha Gudiga Fulinta Ee Xisbiga iyo xubno kale ama Raga Hanka Iyo Damacaba Leh Ee Laga Shaki Qabo In Ay Hungureeyaan Jagada Xisbiga Ugu Sareysa Ee Waxaa Kale Oo Jira Rag Kale Oo Hada Muuqda Amaย Aan Weli Soo Shaac Bixin Laakiin Go,Aankooda La Sugaya Qabashada Shirweynaha Xisbiga
Hadaba Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB ayaa jiritaankiisu khatar ku sugan yahay, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda xubno culculus oo ka mid ahaa golihii wasiirada ee xukuumadii Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin ay ka baxaan xisbigaasi. Xisbiga UDUB oo laba jeer oo isku xigta uu baaqday shirkiisii golaha dhexe oo la doonayey in xisbiga dhidibada loogu aaso isla-markaana la isku calool xaadho ayaan qabsoomin, taasina waxa ay meesha ka saartay kalsoonidii xubnaha xisbigaasi ku qabeen jiritaanka iyo inuu xisbigu ka qayb geli karo doorashada golayaasha deegaanka oo lagu kala saarayo xisbiyadii hore iyo urur siyaasadeedyada cusub.ย Xisbiga UDUB oo wakhtigan ay ka sii shaqeeyaan xubnihii ka mid ahaa xukuumaddii Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin oo uu ugu sareeyo Madaxwayne ku xigeenkii wakhtigaa Md Axmed Yuusuf Yaasiin ayaan tan iyo wakhtigii doorashada lagaga guulaystay waxa aan la maqal xubno ku abtirsanaya xisbigaas oo aan ahayn masuuliyiintii ku jiray xukuumada. Xubnahan la sheegay inay ka baxayaan xisbiga UDUB ayaa la tilmaamay inay ku qanci-waayeen hanaanka hogaanka ku meel-gaadhka ah ee xisbiga UDUB wax u wado, waxaana la xaqiijiyey inay niyad jabeen markii laba jeer oo isku xigta uu baaqday shirkii golaha dhexe oo ay doonayeen inay isku muujiyaan, taasina waxa ku dhalisay inay hamigooda siyaasadeed kala baxaan xisbiga UDUB, isla-markaana ku dhawaaqaan urur siyaasadeed oo ka qayb-gala doorashada golayaasha deegaanka dalka. Ilo wareedyo xogogaal ah ayaa sheegay in masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirkii hore ee wasaaradda cadaaladda Md. Aaden Axmed Cilmi (Dhoolayare) iyo guddoomiyihii ololaha doorashada ee xisbiga UDUB Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) ay dhawaan ku dhawaqaayaan urur siyaasadeed cusub. Talaabadan ay ku kacayaan labadaa xubnood oo sidoo kale ay la socdaan rag kale oo xisbigaas ka tirsani waxa ay albaabada u laabaysaa jiritaanka xisbiga UDUB oo awalba ligliganayey.
Hadal Iyo Dhamaan War Jiraaba Cakaaruu Iman, Iyadoo Beryihii hore Reer Udub Looga Bartay Guurtida Xilka Noo Kordhisay Malaha Shirweynahoodana Waxay Ina Odhan Doonaan Guurtida Mudo Labo Sano Ah Dib U Dhigtay hadana.
By, Daahir Caraale Soyaan/Harg/Somaliland