Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa waxbarashoย lacag la’aanย ah oo muddo kooban ku eg ku abaal-marisayย 10 Arday oo wax ka barta Jaamacadaha dalka, kuwaas oo qayb ka ah Macaamiisha isticmaasha ee ku xidhan Adeegga ArdayKaab oo ka mid ah adeegyada casriga ah ee shirkaddu u fidiso Macaamiisheeda.
Tobanka Arday ee ku guulaystay Abaal-marinta barnaamijka ArdayKaab bixiyo, ayaaย laga soo dhex-xushayย macaamiisha shirkadda ee ku xidhan adeeggan, kuwaas oo kala Todoba Arday oo ku jiraย Jaamacadaha dalka kuwaas oo nasiib u helay inay shirkaddu ka bixiso Lacagta Hal Semister, halka saddexda soo hadhayna yihiin ardayda Dugsiyada Sare ee dalka.
FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE
ย