Hargeysa, 16 April, 2012 (SLpost)- Shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMTEL ayaa xafiis cusub ka furatay degmada Oog ee gobolka Sool, kaas oo dadweynaha magaalada u qaban-doona adeegyada kala duwan ee shirkaddu u qabato macaashiida.
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta lagu qabtay Xafiiska Somtelย ย ee magaalada Oog, xafladdan oo ahayd mid xadhigga lagaga jarayay xafiiska cusub, waxa ka soo qeyb galay Mas`uuliyiin, Aqoonyahanno, Cuqaal, Culimo-awdiin uu ugu horreeyo, Guddoomiyaha gobolka Saraar Ibrahim Xasan Cali (Gucure), Taliyaha Ciidanka Booliskka gobolka Saraarย ย Jaamac Guud-cadde, Guddimiyahaย ย Degmada Oog, Cabdinaasirย ย Cabdisalaan Cabdi, dhammaan Masuuliyiintan ayaa aad u soo dhaweeyey xafiiska cusub ee shirkadda Somtel ee magaalada Oog, madaxdan ayaa waxay sheegeenย ย in baahi badan loo qaybay Xafiiska xadhigga laga jaray ee Somtel.
Ugu horreyn waxaa xafladdaasi ka hadlay Maayerka degmada Oog Cabdinaasir Cabdisalaan Cabdi oo soo dhoweeyay imaanshahaย ย Somtel, isla markaana uga mahadnaqay adeegyada cusub ee ay ka hirgelisay magaaladaas.
Madaxa Xidhiidhka gobollada ee Shirkadda Ssomtelย ย Aadan Cabdullahi Cabdalle, ayaa halkaas waxaanu sharraxay adeegyada cusub ee ay Shirkaddu soo kordhisay ee ay gaadhsiisay Oog, waxaanu yidhi; โShirkadda Somtel waad ogtihiin waa shirkad curdin ah hadan alle mahadii mudadaas yar waxay gaadhay dalka oo dhan shirkada somtel waxay bulshada u qabtaa adeegyo fara badanย ย adeegydaas waxay isgu jiraan adeegayadaย ย telefoonada, fixed line wireless oo ah adeega adduunyada hada isticmaashoย ย i yo waliba adeega internet-ka oo xawaarihiisu sareeyo.โ
Waxa Adaan Cabdulahi Cabdalle tusaale u soo qaatay internet-ka oo uu sheegay inay reer Oog markhaati ka yihiin inay Somtel tahay Shirkadda kaliya ee Ciyaarihii gobollada u soo daysay si toos ah si ay shirkaddu u dhiirrigeliso daโyarta dalka. โWalalayaal waxaad ka warqabtaan in shirkada somtelย ย ย ka timi bulshada una timi bulshada .โsidaa ayuu yidhi Aadan.
Madaxa Warbaahinta ee Shirkadda Somtel Cabdinaasir Cumar Cilmi (Naasir-dheere), Madaxa Suuq-geynta ee Xafiiska Somtel ee Burco Cali Ismaaciil Cismaan iyo Masuuliyiin kale oo aad u tiro badan ayaa iyaguna halkaas ka soo jeediyey hadallo kala duwan oo isgu jira sharaxaadda adeegyda shirkaddu bixiso ee ay siiso bulshada iyo waliba mahad-naq ay u macadceliyeen dhammaanba marti-sharaftii ka soo qayb gashayย ย xaflada furitaanka xafiiska Oog
Waxaa sidoo kale ka hadlay xafladdaasi Odayaal ku hadlayey afka deegaanka, waxaana Oday-dhaqmeedkani u mahad celiyey shirkada Somtel iyo waliba Shirkada caanka ah ee Dahabshiil, waxaanay u sheegeen inay deegaan ahaan soo dhawaynayaan Shirkada Somtel.
Ugu dambeyntii waxaa xafladdaasi soo xidhay barasaabka gobolka saraarย ย Ibrahim Hassan Aliย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย waxaa ku nuux nuuxsaday in shirkadda somtelย ย ayย ย tahay shirkadaha ugu wax qabadka abdan dhinaca adeeyada bulshada iyo waliba dhiiri galinta daโyarta
Waxaa kale oo badhasaabku in loo baahanyahay tartanka shirkadaha is gaadhsiintaa, waxaa uu xusay barasaabku in mar kasta oo ay shirkad cusub soo korodho buslshadu dan u taha, guddoomiyaha waxaa uu amaanay shirakdda somtel dadaalka ay ugu jirto in markasta macaamiisheedu u soo gudbi adeegyo casri ah.
SOMALILANDPOST.NET
webmaster@somalilandpost.net