Shirkadda Oomaar Ltd oo iska fogeysay Eedo loo jeediyay, Soona bandhigay dhibaatooyin loo gaystay Hantideeda

0

Hargeysa (SLpost)- Masuuliyiinta Shirkadda Omaar oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaalada Hargeysa, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedo iyo dayn sheegasho ay shirkada u soo jeediyeen Odoyaal dhawaan ka hadlay Warbaahinta.

 

Masuuliyiinta Shirkada Oomaar ayaa soo bandhigay Marxaladaha ay isla soo mareen Ninka ay Odayaashani u hadlayeen iyagoona sheegay in tiraba laba jeer si badheedh ah u afduubtay gaadiid ay leedahay shirkada Oomaar Company kaas oo sida ay sheegeen laamaha Amaanka iyo Maxkamaduhuba ka soo saareen xukun la xidhiidha Arrimihiisa isla markaana caddeeyeen in aanay waxba ku lahayn Oomaar Company LTD.

 

Muuqaalkan Hoose kaga bogo Doodda Masuuliyiinta Shirkadda Omaar.